Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa talo ka helay xiddigii hore ee kooxdaas ee John Aldridge kaas oo u tilmaamay inuu weerar suuqa kala iibsiga ah ku qaado Tottenham laba ciyaartoy oo muhiim ahna kasoo qaato.

Liverpool ayaa toddobaadyo kahor Final-ka UEFA Champions League ka qaaday isla Tottemham kaddib markii ay 2-0 kaga guuleysteen kulan ka qabsoomay Madrid.

Kaddib guushaas, Xiddigo ay ugu muhiimsan yihiin Daniel Sturiddge iyo Alberto Moreno ayaa ka baxay Anfield taas ayaana qasab ka dhigi doonta in Reds ay suuqa u galaan saxeexyo cusub.

John Aldridge ayaa haatan Klopp usoo jeediyay inuu xoojiyo safka weerarka ee kooxdiisa kaddib bixitaanka Sturiddge waxaana uu talo ku siiyay inuu Spurs kala soo saxeexyo Lucas Moura iyo Son Hueng Min oo labaduba muhiim u ah.

Aldridge ayaa yidhi “Jurgen Klopp waa inuu eego xoojinta dhawr boos oo fure ah oo safkiisa Liverpool ah xagaagan booska koowaad waa inuu noqdo safka weerarka”

“Waxay u muuqataa waali in lasoo jeediyo in koox haatan uun ku guuleysatay Champions League oo urursatay 97 dhibcood oo Premier League ah xilli ciyaareedkii hore ay u baahantahay inay lacag badan bixiso si ay u xoojiso dookhyadeeda weerarka”

” Lucas) Moura waa weeraryahan farsamo leh kaas oo soo gali karaya shaxda haddii mid kamida saddexda hore uu maqan yahay sidaas si lamid ah ayaana laga odhan karaa Son Hueng Min oo ay isku koox yihiin walow aan la yaabi doono haddii Spurs ay u ogolaan doonto South Korean-kan inuu tago kaddib xilli ciyaareed wanaagsan”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR