cca

(Italy) 14 Nof 2017.Daafaca la dhashay Fabio Cannavaro ee Paolo Cannavaro ayaa ka haristii xulka Talyaaniga ee Koobka Adduunka ee 2018 ku eedeeyay xiddiga ajaanibta ee la soo dhoobay horyaalka Seria A.

Cannavaro oo iminka u safta Sassuolo ayaa caradiisa ku soo muujiyay baraha bulshada isagoona weeraray xiriirka kubbada cagta Talyaaniga.

“Xarfaaney maanta ma aynaan seegin koobka adduunka.”. Paolo Cannavaro ayaa sidaa ku bilaabay eedeyntiisa.

Image result for Paolo Cannavaro

“Waxaan luminay 15 sano ka hor markii aan beeso ku bixinay soo iibshada kuwa heerka sare.

“Talyaanigu ciyaarooy badan ayuu ka keenay meel kasta oo caalamka ka mid ah si ay boosaska uga dhacaan da’yarteena.

Image result for Cannavaro

“Waxaan siinay Muunad iyo Magac, Mahadsanidiin macallimiinteena reer Talyaani kuwaa oo weli ku baaqi ah kuwa ugu wacan adduunka..

“Waxaan iminka rajeynayaa uun in sagxada aan soo taabanay oo aan meeshii ugu xumeyd gaarnay ay ugu dambeyn noo noqon karto isbadelka kubbadeena cagta.”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR