cca

(Italy) 14 Nof 2017. Daafaca la dhashay Fabio Cannavaro ee Paolo Cannavaro ayaa ka haristii xulka Talyaaniga ee Koobka Adduunka ee 2018 ku eedeeyay xiddigaha ajaanibta ee la soo dhoobay horyaalka Seria A.

Cannavaro oo iminka u safta Sassuolo ayaa caradiisa ku soo muujiyay baraha bulshada isagoona weeraray xiriirka kubbada cagta Talyaaniga.

“Xarfaaney maanta ma aynaan seegin koobka adduunka.”. Paolo Cannavaro ayaa sidaa ku bilaabay eedeyntiisa.

“Waxaan luminay 15 sano ka hor markii aan beeso ku bixinay soo iibshada kuwa heerka sare.

“Talyaanigu ciyaartooy badan ayuu ka keenay meel kasta oo caalamka ka mid ah si ay boosaska uga dhacaan da’yarteena.

Image result for Cannavaro

“Waxaan siinay Muunad iyo Magac, Mahadsanidiin macallimiinteena reer Talyaani kuwaa oo wanaaga ku joogteynaya adduunka.

“Waxaan iminka rajeynayaa uun in sagxada aan soo taabanay oo aan meeshii ugu xumeyd gaarnay ay ugu dambeyn noo noqon karto isbadelka kubbadeena cagta.”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR