Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha tabin doona ciyaaraha caawa ee tartanka Champions League oo ay naadiyadu isku haleelayaan is araggooda labaad ee siddeed dhamaadka.


Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku martigelinaysa Manchester United oo ay hore ugu soo garaacday Old Trafford, laakiin ciyaarta ayaa ah mid furan oo wali ay kooxda reer Ingiriis ka daba iman karto haddii ay la timaaddo mucjiso inyar ka badan middii ay PSG ula tagtay.

Sidaas oo kale, Juventus ayaa magaalada Turin ku qaabilaysa Ajax oo hore usoo cuntay Real Madrid, laakiin kulankoodii Johan Cruyff Arena ee magaalada Amsterdam ay kusoo dhamaysteen 1-1.


Labadan ciyaarood ee xiisaha leh, ayaa waxa si toos ah u baahin doona telefishanka beIN Sports oo luuqadaha kala duwan u diyaarsaday wariyeyaal ku tacliiqiya, laakiin qaybta afka Carabiga ayaa waxa lagu qoray afar wariye oo ay laba ka mid ah Soomaalidu aad u xiisayso.

Kulanka Juventus ay ku qaabilayso Ajax ayaa waxa beIN Sports u qorshaysay in laga daawado channelka beIN Sports 2, waxaana ku diyaarsan laba wariye, halka Barcelona iyo Manchester United laga baahin doono beIN Sports 1.


Ciyaarta hore ee Juventus vs Ajax waxa wada jir u tabin doona labada wariye ee Rauf Khalif iyo Cali Maxamed Cali, waxaanay daawadeyaasha haysta kaadhka kirada ah ee beIN Sports ay awood u leeyihiin inay kala doortaan labada wariye.

Barcelona iyo Manchester United ayaa sidoo kale loo diyaariyey laba wariye oo kala ah Cusmaan Shuwali iyo Xafiid Daraji, waxaanay daawadeyaasha awoodda u leh iska beddeli karaan wariyaha ay dhibsadaan oo ay uga guuri karaan midka kale.

Haddaba akhriste, wariyahee ayaad jeclaan lahayd inuu qabto ciyaarta Barcelona vs Manchester United, iyo sidoo kale, Juventus vs Ajax? Mase noo sheegi kartaa sababta aad ku dooratay?

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR