Kooxda Everton ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab  £30m ah oo ay ka gudbiso xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Arsenal Theo Walcott.

28 jirkaan ayaa lumiyay booska xulka qaranka Ingiriiska ee uu tababaro macalin Gareth Southgate, isagoona kooxdiisa udhaliyay 19 gool xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2016-2017.

Walcott ayaa kusoo bilaawday kaliya 23 kulan 38 kulan oo horyaalka Priemer Leage ay kooxdiisa ka ciyaartay, waxaana la sheegayaa in ciyaaryahanka uu diyaar u yahay inuu ka tago kooxda kadib markii uu iska waayay shaxda cusub ee Wenger oo ah 3-5-2.

Sidoo kale xiddigaan waxaa dooneysa kooxda Westham United, laakiin wargeyska The Mirror ayaa ku waramaaya in kooxda Everton ay diyaarineyso dalab ku kacaya £30m oo  ay ka gudbiso xiddigaasi Walcott.

Walcott ayaa kooxda Arsenal waxa uu udhaliyay 104 gool,  377 kulan oo uu usaftay tan iyo markii uu yimid sannadkii 2006.

Tababaraha kooxda Everton ayaa horay ula soo saxiixday ciyaartooyda kala ah  Michael Keane, Jordan Pickford, Davy Klaassen, Henry Onyekuru, Sandro Ramirez iyo Wayne Rooney.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR