(Madrid) 07 Nof 2019. Xiddiga khadka dhexe kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee Toni Kroos ayaa difaacay xiddigaha Gareth Bale iyo James Rodríguez kaddib markii eedeymo xoogan la kulmeen xilliyadii la soo dhaafay.

Waxaa xusid mudan in xiddigaha Gareth Bale iyo James Rodríguez ay la kulmeen eedeymo, kaddib markii ay ka dhaqaaqeen garoonka Santiago Bernabeu kulankii Real Betis ee Sabtidii lasoo dhaafay 10 daqiiqo kahor dhamaadka ciyaarta.

Haddba Toni Kroos ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Marca” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

“Waxaan rajeenayaa in xiddigaha Gareth Bale iyo James Rodríguez ay inoo soo laaban doonaan kaddib kulamada caalamiga ah”.

Sidoo kale Toni Kroos ayaa wuxuu ka hadlay guushii weyneyd ee 6-0 aheyd ay xalay Real Madrid kaga gaartay kooxda Galatasaray tartanka Champions League wuxuuna yiri:

“Waxaan dareemayaa in qaab ciyaareedka kooxda uu soo fiicnaanayo isbuucyadii dhawaa iyo xitaa kulankii Real Betis ee aan barbaraha la galnay, waxaan soo bandhignay qaab ciyaareed wanaagsan”.

“Laakii kulankii aan wajahnay Galatasaray waxaan goolal dhalinay xilli hore taas ayaana inoo sahashay wax walba”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR