Shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub ayaa kala ah Premier League, La Liga, Serie A, Bundesliga iyo Ligue 1 waxaana ku sugan ciyaartoyda ugu tayada wanaagsan dunida kubadda cagta iyaga oo kharashaad badan kusoo jiita.

Horyaaladan shanta ah ayuu midkasta leeyahay xiddig ugu mushahar badan waxaana ugu dhawaad horyaal kasta lacagta ugu badan ku qaba xiddig tayo wacan leh haddii uusan ahaynba midka ugu wanaagsan horyaalkaas.

Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa min halka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan shantan horyaal iyo waliba mushaharka uu midkasta bishii ku xisaabtamo.

Aan ku horraynee horyaalka Germany ee Bundesliga ayuu ugu mushahar badan yahay weeraryahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo bishii qaata mushahar dhan 1.33 Milyan.

Dhinaca kale horyaalka lagu qiimeeyo midka ugu xiisaha badan dunida ee Premier League ayuu ugu mushahar badan yahay Alexis Sanchez oo Manchester United ka tirsan waxaana uu bishii u xaadiraa lacag dhan 2.28 Milyan.

Neymar JR oo haatan baxsad ka ah kooxda ree France ee Paris Saint-Germain ayaa isagu ah midka ugu mushaharka badan horyaalka Ligue 1, 27 jirka ree Brazil ayaa bishii hela 3.06 Milyan.

Cristiano Ronaldo oo xilli ciyaareedkii hore u wareegay Juventus ayaa isagu bishii u xaadira 4.7 Milyan waxaana uu 1.4 Milyan ka sarreeyaa xiddiga booska saddexaad ee Neymar.

Ugu dambayn, Lionel Messi ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Spain ee La Liga waxaana uu Barcelona bishii ka helaa mushahar 8.3 Milyan ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR