Musharraxa xisbiga dimuqraadiga u taagan doorashada madaxweynanimada ee 2020 ka dhaceysa dalka Mareykanka ayaa Trump ku eedeysay in xayaysiisyada doorashada ku saabsan ee baraha bulshada ay sii daayaan, iney ku bixiyaan lacag aad u badan.

Kooxda baaritaannada sameysa ee BBC ayaa u kuur gashay eedeymahaasi loo soo jeediyey Trump waxa ka jira iyo iney Elizabeth Warren ay ku saxan tahay eedda kharashka ay sheegtay in madaxweynaha uu ololahiisa doorashada uu ku bixiyo.

Eedda: Ololaha doorashada Trump wuxuu toddobad walba, iidhahyada/xayaysiisyada uu ka sii daayo Facebook, ku bixiyaa $1 malyan oo doolar, ayey tiri Senatar Elizabeth Warren.

Xukminta: Waa run. Bishii la soo dhaafay oo keli ah, ololaha Trump waxaa ku baxay $1 malyan oo doollar toddobaad walba, inkasta oo toddobaadkii la soo dhaafay uu hoos u dhacay kharshkaasi.

Kharashaadkii ugu badanaa ee lagu ku baxay ololaha doorashada musharraxa xisbiga dimuqraadiga bishi la soo dhaafay, ku dhawaad rubuc waxaa ku tabarruca maalqabeenka bilyandheerka ah ee Tom Steyer.

Senator warren waxay sida oo kale eed u soo jeedisay Facebook, iyada oo ku eedeysay iney gudbiyaan iidhahyo xambaarsan xog been ah.

Xayasiisyada ololaha doorashada la xidhiidha ee bogga madaxweyne trump lagu baahiyo intooda badan waa kuwa xasaasi ah oo xaqiiqda ka fog.

Bixinta Kharashka si daah-furan

Facebook wuxuu shaaciyey dhammaan xogaha ku saabsan xayasiisyasda lagu soo saaro. Waxayna billaabeen iney xogahaasi ay shacabka ugu soo bandhigaan iyaga oo ku dadaalayo iney daah-furnaan muujiyaan.

Haddii aad eegto keydka xayasiisyada Facebook waxaad ogaaneysaa cidda kharashka xayasiis kasta bixisay iyo bogga lacagta lagu bixiyey, qayaasta kharashka lagu bixiyey iyo inta xayasiis ee bulshada lala wdagay.

30-kii maalmood ee la soo dhaafay guddiga u xilsaaran ololaha doorashada Trump waxay xayaysiisyada bogga Donald trump ay ku bixiyeen $2.4 milyan iyo $1.3 malyan oo ay ku bixiyeen xayasiiska bogga madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Guddiga sare ee u xilsaaran ololaha doorashada Trump waxay diyaariyeen barnaamijyo ay dhaqaale ugu uruurinayaan ololaha doorashada madaxweyne Donald J Trump iyo guddiga heer qaran ee xisbiga Jamhuuriga.

Waxaa kale oo ay xayaysiisyada bogga madaxweyne Trump ay xilligan ku bixiyeen $588,000 oo doollar.

Kharashka xayaysiisyadaasi ku baxayana bishii, waxay noqonayaan $4 malyan oo doolar ama toddobaadkii ku dhawaad $1 malyan oo doollar, waa sida ay Senator Warren ku sheegtay eeddeeda.

Kharashaadkaas faraha badan ee baxaya ma yihiin kuwa looga gol leeyahay ololaha Trump?

Koox cilmi baadhayaal ah oo ka tirsan Jaamacadda New York oo ay wehliyaan DJTP iyo guddiyada waaweyn ee u xilsaaran ololaha doorashada Trump waxay bog kasta ku soo qoraan xayasiisyo (bogagga ay wax ku qoraanna waxaa ka mid ah midka Mike Pence).

“Waxaynu nahay saaynisyahanno dhinaca koombiyuutarrada ah waxaanna qiimeynaa farriimaha lagu baahiyo baraha bulshada waxaanna si gaar ah ugu kuur galnaa xaqiiqa ahaana farriimaha xayaysiisyada ee lagu baahiyo baraha bulshada ma yihiin kuwa la xidhiidha ololaha Trump,” ayey tiri Laura Edelson.

Haddii aan eegno eedda ay Senetor Warren soo jeedisay toddobaad ka hor, waxaan ogaaneynaa in kharashka ii dhehyadaas lagu bixinayey uu hoos u dhac ku yimid.

Xayasiisyada bogga Donald Trump waxaa lagu bixiyey $450,000 oo doolar inti u dhaxeysay 6 ilaa iyo 12 bisha October lacagtaasi oo ay bixiyeen guddiga u xilsaaran ololaha Trump, inta kalana loo bixiyey madaxweyne Donald J Trump ($40,000 oo doolar). Lacagtaasi oo ka yar $1 malyan oo ah xisaabta horay loo bixin jiray.

Maxay bixiyan Dimuqraadiga?

Musharraxa xisbiga Dimuqraadiga ee u tartamaya jagada madaxweynanimada, hal musharraxa ayaa ololihiisa ku bixinaya kharash ka badan musharrixiinta kale.

Maalqabeenka weyn ee Tom Steyer ayaa bishi la soo dhaafay oo keli ah ku bixiyey howlahan in ka badan $1.5 malyan oo doolar.

Wuxuuna marki ugu horreysay ka soo muuqday doodda musharrixiinta Dimuqraadiga ee toddobaadkan, iyada oo ay wehliyeen Pete Buttigieg, Elizabeth Warren, Bernie Sanders iyo Kamala Harris.

Miyuu Facebook hubiyaa sax ahaanshaha xayeysiinta siyaasadeed?

Ms Warren waxay Facebook ku eedeysay inuu aqbalo ii dhahyo xambaarsan xogo been ah iyaga oo weliba xayaysiisyadaasi baahiya si dadka ay ugu marin habaabiyaan.

Xayaysiisyada ay sameystaan siyaasiyiinta saxnaashahooda si loo hubiyo “gacan seddexaad ayaan u sii gudbinnaa si ay u eegaan” ayuu yiri Nick Clegg, madaxweyne ku xigeenka facebook u qaabilsan arrimaha dunida oo bishii hore khudbad jeedinayey.

Facebook door kuma laha “inuu garsoore ka noqda doodaha siyaasadeed ee ay musharrixiintu yeelanayaan iyo khudabdaha musharrixiinta si aysan shacabka u gaarin inuu ka hor istaago”. ayuu sii raaciyey.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR