(Manchester) 13 Sept 2018. Khadka dhexe kooxda Manchester City David Silva ayaa xaqiijiyay in u dhaqaaqistiisa kooxda Sky Blues sanadii 2010, inuu ahaa go’aankiisii ugu fiicnaa noloshiisa.

“Markii ay ila soo xiriireen kooxda Manchester City sanadii 2010, si ay u helaan saxiixeyga, aad ayaan ugu farxay, waxaana ogolaaday inaan ku biiro kooxdan”.

“Waxaan go’aansaday inaan ka tago Spain, ka dib markii ay kala tageen aabahay iyo hooyadey, sidaasi darteed waxaan ogolaaday inaan u dhaqaaqo Manchester City, waana hubaal inuu ahaa go’aankii ugu fiican nolosheyda”.

Si kastaba David Silva ayaa Manchester City kaga soo biiray 2010-kii kooxda Valencia 29 milyan euro, waxaana lagu qiimeeyaa kan ugu fiican taariikhda kooxda Skay Blues.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR