(Moscow) 24 Juunyo 2018 Daafaca Barcelona iyo xulka France ee Samuel Umtiti ayaa shaki la galinayaa inuu taam u noqon karo kulanka Denmark.

Mundo Deportivo ayaa daaha ka qaaday in xiddigaan uusan ka qayb qaadan tababarkii saaka ee xulkiisa France uu ugu diyaar garoobayay kulanka ugu danbeeya ee wareega guruubyada.

Samuel Umtiti ayaa qaba dhaawac, laakiin sida muuqata ma ahan dhaawac halis ah sida lagu sheegay warbixinta.

Barri ayaa la filayaa in tababare Didier Deschamps uu go’aamiyo in Umtiti uu ciyaarayo kulanka talaadada ee Denmark ama inuu maqnaanayo.

Gool FM

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR