(Arsenal) 11 Jan 2019. Tababaraha kooxda Arsenal Unai Emery ayaa kasoo hor muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay bari ku wajahayaan West Ham United horyaalka Premier League.

Unai Emery ayaa hadlay waxyaabo badan ee quseeya kooxdiisa Arsenal iyo kulanka ay la ciyari doonaan Sabtida West Ham United, wuxuuna si gaar ah diirada u saaray arimaha ku aadan suuqa kala iibsiga ee bishan Janaayo.

Laakiin macalinka reer Spain ayaa wuxuu niyad jab ku riday jamaahiirta kooxda Arsenal, kadib hadaladiisii ku aadanaa suuqa kala iibsiga ee bishan janaayo.

“Suuqa kala iibsiga ma ogi inaan ka shaqeyn karno saxiixyada haatan la heli karo, ma sameyn karno saxiixyada joogtada ah, balse waan arki doonaa hadii aan sameyn karno saxiixyada ciyaartoy amaahda ah”.

Intaas kadib Unai Emery ayaa amaanay ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Argantina Éver Banega wuxuuna yiri:

“Waan ogahay ciyaaryahankan iyo sida uu u yahay ciyaaryahan aad u wanaagsan”.

Balse macalinkan reer Spain ayaa isla markaas iska diiday inuu ka hadlo wararka lala xiriirinayo Arsenal saxiixa Éver Banega wuxuuna yiri:

“Waxba kuma dari karo mana ka hadli karo arintaas”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR