( Champ’ League ) 07 Nof 2018. Manchester United ayaa guul muhiima kasoo hoyatay Juventus markii ay kaga badiyeen 2-1

Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray 0-0.

Balse markii dib loogu soo laabtay kaambiyaha dmabe waxaa hogaanka kulanka qabatay Juvetus waxaana goolka u gaaray laacibka Cristiano Ronaldo oo si qurux badan u dhameystiray kubbad ka tmid Leonardo Bonucci daqiiqadii 65-aad.

Laakiin United ayaa goolka bar baraha ah heshay markii kulanku socday 86-daqiiqo kaddib kubbad Free kick ama laadka xorta ah uu goolka ku hubsaday Juan Mata.

Afar daqiiqo kaddib Red deviles ayaa la timid goolka guusha kaa oo ahaa kubbad uu iska dhaliyay daafac Juventus ee Alex Sandro markii ay Free kick ay soo tuurteen xiddigaha United.

Dhanka kale Manchester City ayaa xaaqday dhigeeda Shakhtar Donetsk oo ay kaga badiyeen 6-0.

Seddaxd kamida Goolasha City waxaa dhaliyay Gebrial Jesus sido kale waxaa goolka u gaaray laacibiinta kala ah David Silva, Raheem Sterling, Riyad Mahrez

Ugu dambeyn Real Madrid ayaa guul weyn kala soo hoyatay kooxda Viktoria Plazen oo ay kaga badiyeen 5-0.

Laba kamida goolasha Los Blancos waxaa dhaliyay Karim Bezema, halka goolasha ay raacsadeen Casemiro Bale iyo Kroos.

Kulamada kale ee la cayaaray koobka Champions League waxaa kamida

Champions League – Group E November 7

FTFC Bayern München 2 – 0 AEK Athens

FTBenfica 1 – 1 Ajax

Champions League – Group F November 7

FTLyon 2 – 2 Hoffenheim

Champions League – Group G November 7

FTCSKA Moscow 1 – 2 Roma

Champions League – Group H November 7

FTValencia 3 – 1 Young Boys

Gool FM.                       

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR