Daafaca aduunka ugu qaalisan ee Virgil van Dijk, kaasoo xagaagan Liverpool ay uga soo iibsatey dhigeeda Southampton, aduun dhan 75 Malyuun ayaa wuxuu qirey in qiimaha lagu soo iibsadey ay ka dhigan tahay in laga sugayo shaqo adag.

Isagoo wareysi siinayay Shabakada Sky Sport, ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay wiilkaan kasoo jeeda wadanka Holland, inuu isku deyi inuu ka caawiyo kooxdiisa sidii ay guulo waa weyn ay uga heli lahayd Kooxaha waa weyn ee EPL.

Wuxuu yiri: “Liverpool, waa koox weyn oo qiimo sare ah, waxayna leedahay cabir weyn, waxaana udheer Taageerayaal aad u cajiib u ah.

Wuxuu hadalkiisa ku darey: “Waxaan xooga saari doonaa inta aan halkaan ku suganahay sidii aan guulo ula qeybsan lahaa saaxiibadeyda.

Wuxuu intaas raaciyey: “Dabcan kulan walba oo aan ka dheeleyno Premier League, wuxuu noo yahay mid muhiim ah iyo tartamada kale, waxaana diyaar u ahay inaan kala shaqeeyo sidii aan uguuleysan lahayn.

Liverpool, ayaa waxay la balanan tahay kooxda Manchester City, oo hada hogaanka uheysa Premier League, maalinta Axadda ah ee todobaadka dambe, waxaana la filayaa inuu wiilkaan kasoo muuqdo ciyaartaas xiisaha badan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR