(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa marti galin doonta xafladda lagu bixinayo abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or iyadoo haatanba qeybaha hore ee xafladdu ay bilaabatay.

Tani waxa ay noqon doontaa markii 64-aad oo abaal-marintan la bixiyo, waxaana markii ugu horreysay la guddoonsiiyey Sir Stanley Matthews sanadkii 1956-kii.

Luka Modric ayaa sanadkii ugu dambeeyey abaal-marintan ku guuleystay isagoo ku garaacay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo abaal-marintan wadaagayey 10-kii sano ee ka horreysay 2018, iyadoo mid kastaahi uu ku guuleystay shan goor.

Abaal-marinta caawa la bixin doono ayaa haatan soo gaartay goobta xafladda lagu qabanayo ee Theatre du Chatelet, waxaa laga soo saaray qeybta dambe ee gaari raaxada ah, iyadoo lagu wareejiyey gabar geynaysa halka lagu bixinayo abaal-marintan.

Waxaa abaal-marintan caawa ku guuleysan doona midkooda Lionel Messi, Virgil van Dijk iyo Cristiano Ronaldo, iyadoo la saadaalinayo inuu markiisii lixaad hanan doono abaal-marintan Ballon d’Or kabtanka kooxda Barcelona ee Leo Messi.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR