Xiddigii hore ee kubadda cagta England ee Shaka Hislop ayaa daaha ka qaaday sababta kaliya ee daafaca kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk uu kaga bixi doono kooxdiisa walow uu haatan qaab wanaagsan kula raaxaysanayo.

Van Dijk ayaa haatanba lala xidhiidhinayaa inuu ka bixi doono Anfield iyadoo ay xiisaha ugu weyn u muujinayaan kooxaha ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

Daafacan ree Holland ayaa Reds ku samaystay sumcad weyn iyadoo loo arko daafaca haatan ugu wanaagsan kubadda cagta caalamka kaddib koobab iyo abaalmarino shaqsiyadeed oo waaweyn oo uu mudo kooban ku gaadhay.

Shaka Hislop ayaa marka laga yimaado xiisaha Real iyo Barca kaliya aaminsan in Virgil uu boorsooyinkiisa ka qaadan doono Liverpool marka uu kula guuleysto koobka horyaalka Premier League.

Hislop oo sharaxaad bixinaya ayaa sheegay in VVD haddii uu kula guuleysto Reds koobkaas ay 30-ka sano ka qatantahay inuu u baahan doono loolan cusub maadaama oo uu wakhtigaas la gaadhay Liverpool waxkasta.

Shaka Hislop oo sharaxaad bixinaya ayaa yidhi “Sida kaliya ee aan ku arki karo Virgil Van Dijk oo tagaya waxa ay tahay haddii Liverpool ay socoto oo ay ku guuleysato Premier League oo uu yidhaahdo ‘Halkan waan ka sameeyay waxkasta oo aan awooday, Waxaan doonayaa loolan cusub”.

Aragtida Shaka ayaa ah mid laba daran mid dooro kaga dhigaysa Liverpool maadaama hanashada horyaalka ee uu ku xidhay bixitaanka Virgil ay tahay rajada ugu weyn ee ay kooxdaasi leedahay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR