(Spain) 16 Maajo 2018. Roberto Carlos ayaa ka hadlay Neymar Jr kahor inta aan la gaarin koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia, xili uu dhawaan kasoo laabtay dhaa dhaawac dhanka canqowga ah.

Daafacii hore kooxda Real Madrid Roberto Carlos ayaa sheegay in kasoo bixitaanka Neymar ee kooxda Barcelona ay sabab u tahay joogitaanka Messi maadaama uu doonayo inuu noqdo xidiga ugu fiican aduunka.

“Wuxuu doonayay inuu noqdo kan ugu fiican aduunka, waxaan qabaa inuu ku qasbanaa ka tagista kooxda Barcelona, sababa la xidhiidha inuu Lionel Messi ku sugan yahay”.

“Waa inaan ogaanaa inuu ka danbeeyo Messi iyo Ronaldo, waa inuu ku qancaa booska seddexaad”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR