Cayaaryahanka reer Chile Alexis Sanchez bilawgii sanadkan ayuu kooxda Man United kaga soo biiray naadiga Arsenal xili labada naadi is dhaaf sadeen Henrik Mikhtirayin iyo Sanchez.

Haddaba waxaa dabagal gaar ah lagu sameeyay waxqabadka Sanchez iyo lacagaha xad dhaafka ah ee Man United siyaabo kala duwan kaga helo waxaana soo baxday inaysan isku qalmin daqliga uu Old Trafford ka kasbado iyo dadaalkiisa.

29-jirkan reer Chile waxaa saaran culees xoogan madaama xili cayaareedkan waxqabadkiisa liito sidoo kalena hogaanka kooxda ay kala wareegaan Paul Pogba iyo Romelu Lukaku waxayna taageerayaasha United ka rabaan inuu hurdada ka kaco.

Fadlan hoos ka eeg waxqabadka Alexis Sanchez mudada uu garoonka Old Trafford joogo:

22-kulan

3-gool

6-caawinaad

Dhinaca kale hoos kaga bogo Sanchez lacagaha uu Man United ka qaato oo xad dhaaf ah xili waxqabadkiisa aad u liito:

£20m- Mushaarka uu sanadka Old Trafford ka qaadanayo!

£75,000 ayuu United ka qaadanaa kulan walbo oo lagu soo bilaabo.

£2m ayuu qaadanaa haduu 40-gool ama 40-caawinaad sameeyo!

£1m ayuu helaa haddii United Champion qaado.

£0.5m ayuu helaa haddii United EPL qaado.

£1.12m oo joogta ayuu sanad walbo ka qaadanaa waa lacag loogu magac daray Loyalty bonus sida uu daacad ugu yahay kooxda iyo go’aankii uu Old Trafford ku doortay ayaa lagu siinaa.

Gunaanad: Haddii Sanchez caafimaad qabo kulan walbo cayaaro United iyadana koobab qaado xidigan 25m oo pound ayuu sanadkii helaa.

Laakiin hadda United kaliya ayuu culeeska saaran yahay madaama lacagta la siinayo Sanchez badalkeeda uusa kooxda waxba u qaadeyn.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR