(Yurub) 13 Feb 2020. Wargeysyada gudaha Spain ayaa waxay shaaca ka qaadeen maanta oo khamiis ah in kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ay ku dagaalami doonaan heshiis cusub.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain Liverpool ayaa ku horreysay xiisaha xiddiga kooxda Inter ee Marcelo Brozović kahor inta aysan ku soo biirin loolanka naadiga reer Spain ee Real Madrid.

Wararka ayaa waxay tilmaamayaan in macalinka reer France ee Zinedine Zidane uu go’aansaday in Marcelo Brozović uu ka dhigto badelka xiddiga ay isku wadanka ka soo wada jeedaan ee Luka Modrić.

Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamtay in xiisaha Jurgen Klopp ay gaartay heer uu u dirsado rag u soo indhaidheeya qaab ciyaareedka Marcelo Brozović, kulankii Derby della Madonnina uu xiddigan reer Croatia gool ka dhaliyay, wuxuuna Nerazzurri ku hoggaamiyay inay gaarto guul 4-2 ah.

Image result for Marcelo Brozović Liverpool and Real Madrid

Marcelo Brozović ayaa si qurux badan kaga soo muuqday xilli ciyaareedkan ka hoos shaqeynta tababare Antonio Conte, wuxuuna ka qeyb galay dhamaan kulamada kooxda marka laga reebo saddex kulan uu ku maqnaa dhaawac iyo ganaax.

Marcelo Brozović wuxuu dhaliyay 3 gool wuxuuna sidoo kale caawiyay 5 kale, 28 kulan uu kaga soo muuqday kooxda Inter dhamaan tartamada kala duwan.

Si kastaba ha noqotee, heshiiska Marcelo Brozović ee kooxda Inter Milan ayaa wuxuu dhacayaa bisha June 2022, laakiin maamulka Nerazzurri ayaa waxaay daneynayaan inay qandaraaska u kordhiyaan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in qandaraaska Marcelo Brozović ee kooxda Inter Milan lagu kansali karo qiimo dhan 50.5 milyan oo ginni, isla markaana uu ku biiri karo kaliya kooxaha ka baxsan Talyaaniga.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR