Jamaahiirta kooxda Real Madrid ayaa si cadho leh kaga falceliyay sawir uu mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdoodu baraha bulshada soo dhigay kaas oo ay ku jiraan xidigo kooxda PSG ka tirsan kadib guuldaradii Los Blancos ka soo gaadhay PSG.

Jamaahiirta kooxda Real Madrid waxay xalay u ahayd habeen madow kadib markii ay daawadeen kooxdooda oo guuldaro 3-0 ahi ka soo gaadhay PSG, laakiin waxay ka sii cadhoodeen markii ay arkeen goolhayaha cusub ee Alphonse Areola oo baraha bulshada soo dhigay sawiro ayna jeclaysan.

Goolhayihii hore ee kooxda PSG ee Alphonse Areola oo hadda ka tirsan Real Madrid ayaa baraha bulshada soo dhigay sawirkiisa oo ka soo garab muuqday sawirada ciyaartoydii ay hore kooxda PSG uga wada tirsanaayeen ee Mbappe iyo Choupo-Moting oo waliba faraxsan.

Iyada oo goolhaye Keylor Navas uu ku biiray kooxda PSG isla markaana uu xalay ka hor yimid kooxdiisii hore ee Real Madrid, ayuu goolhaye Alphonse Areola daawanayay kooxdiisa cusub ee Real Madrid oo guuldaro 3-0 ahi ka soo gaadhay kooxdii uu bishii hore ka soo wareegay ee PSG.

Inkasta oo goolhayihii hore ee Real Madrid ee Keylor Navas uu shaqadiisa qabsaday kulankii xalay uu Real Madrid kag hor yimid isla markaana uu shabaq nadiif ah garoonka kala baxay, Alphnse Areola oo amaah kula jooga Madrid ayaa u muuqday mid ayna xanuunin guuldaradii Paris.

Sidaa daraadeed, waxa Areola lagu qaaday weerar ah in uu la dabaal degay ciyaartoyda kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay ee PSG iyada oo baraha bulshada lagu arkay sawirada Éric-Maxim Choupo-Moting iyo Kylian Mbappé oo damaashaad ku jira oo uu Areola la sawiran yahay.

Inkasta oo aanu goolhaye Alphonse Areola safan kulankii PSG, haddana waxay noqotay wax ayna jamaahiirta Madrid aqbali karin in uu sawiro la galay ciyaartoyda kooxda uu amaahda kaga soo maqan yahay xili ay kooxda Madrid murugo wayn ku dhex jirtay.

Iyada oo jamaahiirta kooxda Real Madrid si wayn ugu cadhaysan goolhaye Courtois oo musiibo wayn ku noqday Los Blancos isla markaana aan shabaq nadiif ah ilaashan tan iyo horaantii sanadkan, haddana sawirka baraha bulshada qabsaday ee uu Alphonse Areola kala soo muuqday ciyaartoyda PSG ayaa keenaysa in ayna jamaahiirta Madrid aamini karin Areola.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR