Macallinka cusub ee kooxda Real Madrid, Julen Lopetegui ayaa doonaya inuu kusoo biiriyo kooxdiisa ciyaartoy dhowr ah oo ay ku jiraan Neymar, Mohamed Salah iyo ciyaartoy kale.

Balse wararka ka imaanaya dalka Spain ayaa sheegay in macallinka Los Blancos uu diiradda saarayo inuu safkiisa khadka dhexe adkeeyo, waxaana uu si gaar ah u doonayaa laacibka Chelsea ee N’Golo Kante.

Kante ayaa kusoo baxay mid halbowle u ah naadigiisa, sidoo kalena waxaa uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican ee ka ciyaarta qaybta bur-burinta ee khadka dhexe.

Blues ayaa ku guul darreysatay inay sanad ciyaareedka dambe kasoo muuqato tartanka Champions League-ga, sidaas darteed laacibka reer France waxaa lala xiriiriyay in ay gacanta ku dhigi karto Real Madrid inkastoo ay kooxda dalkiisa ka dhisan ee PSG il gaar ah ku heyso.

Imaanshaha Kante ee Bernabeu ayaa ciyaartoyda qaarkood dhibaato ku noqon karta, waxaana hadda soo if baxday in Casemiro uusan ku qanacsaneyn in kooxdiisa ay keensato laacibkii hore ee Leicester City.

Xiddigga reer Brazil ee Casemiro ayaa hadda ah haldoorka koowaad ee dhanka burburinta u adeegsato kooxda reer Spain, waxaana uu cabsi badan ka qabaa inuu lumiyo booskiisa koowaad.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR