Halyeeyga kooxda Liverpool ee Mark Lawrenson ayaa kooxdiisii hore usoo jeediyay saxeexa xiddiga kooxda Lyon ee Nabil Fekir oo uu u arko mid wax ka bedeli kara safkooda xilli ciyaareedka dambe.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkan tartan aan waxba la iskula hadhin oo horyaalka ah la gashay kooxda Manchester City balse ugu dambayn ayaa lagaga guuleystay farqi 1 dhibic ah.

Xilli suuqii xagaagii hore ayay ahayd markii ay Liverpool tartankii loogu jiray Fekir kaga hor martay Man United iyo Real Madrid oo doonayay iyaga oo loo arkayay kooxda saxeexiisa dhammaynaysa.

Heshiiskaas ayaa noqday mid daqiiqadihii ugu dambeeyay burburay kaddib markii ay Liverpool isku dayday inay hoos u dhigto lacagihii ay marka hore ku doonaysay iyadoo kooxda Lyon si deg deg ah heshiiska u xidhay.

Haddaba, Lawrenson ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay baahi u qabto lasoo saxeexashada ciyaartoy leh hal abuur oo weerarka ah waxaana uu midka ku haboon u arkaa Fekir.

Mark Lawrenson ayaa yidhi “Way adagtahay in la eego safka Liverpool oo la yidhaahdo waxay u baahan yihiin inay lasoo saxeexdaan midan ama midaas si loo hubiyo in sheekadu ay sidan ka duwanaato xilli ciyaareedka dambe”

“Waxa laga yaabaa inaad ku doodo inaysan hal boosna si aad ah ugu baahnayn, Laakiin waxaan filayaa inay wanaagsanayn lahayd haddii ay heli karaan khad dhexe oo weerarka raacsan oo ah nooc aysan haysan tan iyo markii uu Philippe Coutinho uu Barcelona uga tagay January 2018”

“Waxaan ka hadlayaa keenista qof leh hal abuur ka badan (Ciyaartoyda haatan) sida Nabil Fekir-ka Lyon kaas oo ay iibsanayeen xagaagii hore ilaa u dhaqaaqistiisii ay burburtay”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR