Boodhka kooxda Barcelona ayaa ku qasban in ay go’aan ka gaadhaan mustaqbalka 11 ciyaartoy oo ay 9 ka mid ahi yihiin ciyaartoy waa wayn oo khibrad leh halka laba kale ay yihiin ciyaartoyda da’yarta ah ee mustaqbalka kooxda ku leh.

Barcelona ayaa doonaysa in ay samayso saxiixyo muhiim ah laakiin waxay markan hore u baahan tahay in ay kooxdeeda ka dirto liiska xidigo tiro badan kuwaas oo ay lacag badan ka samayn karaan haddii ay u helaan kooxo iibsada.

Liiska ciyaartoyda doonaya in ay Barcelona ka baxaan waxaa ka mid ah goolhayaha labaad ee Jasper Cillessen kaas oo diyaar u ah in uu ka dhaqaaqo Camp Nou wuxuuna cabasho ka muujiyay in Barca ay ku qiimaysay 60 milyan taas oo uu aaminsan yahay in ay kooxaha doonaya ka leexin karto.

Goolhaye Cillessen waxa uu ka mid yahay liiska ciyaartoyda Barca ka bixi doona xagaagan ee ay Blaugrana lacag muhiim ah ka samayn karto.

Wakiilka Nelson Semedo ee Jorge Mendes  ayaa ka shaqaynaya in uu xidiga reer Portugal ka caawiyo in uu Atletico Madrid ku biiro kadib markii uu ku qanci waayay in Semedo aanu booska difaaca midig uga horayn Sergi Roberto kaas oo marar badan laga soo horumarinayay.

Semedo waxa uu ku biiray liiska ciyaartoyda doonaya in uu Camp Nou ka baxo waxayna Barcelona ku qiimaynaysaa ilaa 45 milyan yuro.

Barcelona ayaa diyaar u ah in ay dhegaysato kooxaha doonaya saxiixa difaaca dhexe ee Samuel Umtiti iyada oo Barca ka mid ah kooxaha badan ee ku tartamaya saxiixa kabtanka Ajax ee De ligt.

Laakiin Samuel Umtiti ayaa sheegay in aanu meelna uga socon kooxdiisa wuxuuna cadeeyay in uu sii joogo diino, laakiin Barca ayaa diyaar u ah in ay iibiso xidiga reer France haddii uu u yimaado dalab ay aqbali karaan.

Rafinha Alcántara waa mid kale oo ka mid ah ciyaartoyda la doonayo in laga fasaxo Camp Nou kadib dhaawacyo joogto ah oo xili ciyaareedkii dhamaaday u diiday in uu wax door ah ku yeesho kooxda Valverde.

André Gomes oo amaah ku joogay kooxda Everton isla markaana diyaar u ah in uu heshiis rasmi ah ugu biiro kooxda premier league ka dhisan iyo Denis Suarez oo amaah fashilantay ku soo qaatay Arsenal ayaa qayb ka ah liiska bixitaanka loo diyaariyay.

Barcelona ayaa u furan in ay dhegyasato dalabyada lagu doonayo Ivan Rakitic kaas oo ay Manchester United si wayn u doonayso laakiin inkasta oo ay Barca ogtahay muhiimada kooxdeeda uu Rakitic ku leeyahay, haddana waxay dareensan yihiin in lacag badan ay ku heli karaan xidig 31 sano jir ah.

Ivan Rakitic waxa uu doonayaa in uu Barcelona sii joogo iyada oo waqtigan oo kale xagaagii hore uu Valverde ka horjoogsaday heshiis qaali ah oo uu PSG ugu biiri lahaa, laakiin Barca ayaa dhegaysan doonta nooca dalabyada ee Rakitic lagu doonayo.

Philippe Coutinho ayaa ah xidig ugu walwalka badan ee ay maamulka Barcelona xal u raadinayaan kadib markii uu ku soo fashilmay muddadii uu Camp Nou joogay waxaana walwalka sii kordhinaya in lacagtii waalida ahayd ee laga soo bixiyay ay hoos ugu dhacayso qaab ciyaareedkiisa liita.

Coutinho ayaa la sheegay in uu dalbaday in uu bixitaan diyaar u yahay waxayna maamulka camp Nou dhegaysan doonaan dalabyada xidiga reer Brazil lagu doonayo.

Xidiga sagaalaad ee kooxda kowaad ee Barcelona ka tirsan ee xagaagan la fasixi karo ayaa ah Malcom kaas oo aan Valverde ka soo helin waqti badan oo uu isku caawiyo  waxayna Barca lacag fiican ka samayn kartaa heshiiska Malcom.

Ugu danbayn labada ciyaartoy ee da’yarta ah ee Jean-Clair Todibo oo 19 sano jir ah isla markaana bishii January ay Barca la soo wareegtay ayaa go’aan laga gaadhi doonaa haddii amaah lagu diri doono si la mid ah Juan Miranda.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR