Gool dhaliyaal aad u badan ayaa ka hawl gala horyaalka Premier league laakiin waxay ku kala duwan yihiin saamaynta ay leeyihiin.

Mohamed Salah, Aubameyang iyo Sadio Mane ayaa min 22 gool ugu wada guulaystay kabta dahabka ah ee gool dhalinta Premier league balse taasi kama turjumayso in ay wada yihiin kuwii goolasha ugu badan guul ku hogaamiyay kooxahooda.

Waxaa la shaaciyay xogta dhawrkii gool dhaliye ee xili ciyaareedka dhamaaday ee Premier league ugu saamaynta badnaa ee goolasha ugu badan guul ugu hogaamiyay kooxahooda.

Marka laga hadlo xidig gool dhaliyay si uu kooxdiisa guul ugu horseedo waxay la micno tahay in ciyaartoygu uu goolkan dhaliyay iyada oo ciyaartoy barbaro tahay ama uu xataa kooxdiisa ka soo qaaday iyada oo hogaanka laga hayo oo uu haddana guul u horseeday.

Haddii uu ciyaartoy saddexley goolal ah dhaliyo xili ciyaartoy ay maraysay 1-0 ama ka badan, looma tixgalinayo in goolashiisu ay guusha keeneen waxaana loo xisaabinayaa kaliya marka uu gool dhaliyo iyada oo ayna kooxdiisu guul ku taagnayn.

Haddaba waa kuwee ciyaartoydii xili ciyaareedkan dhamaaday ee Premier league kulamada ugu badan kooxahooda guul ugu caawiyay goolal ay dhaliyeen?.

Mohamed Salah iyo Alexandre Lacazette aya noqday labada xidig ee xili ciyaareedkan ugu saamaynta badnaa Premier League marka ay noqoto waxtarkii ay goolashooda guulo ugu hogaamiyeen Liverpool iyo Arsenal.

Inkasta oo uu Aubayemang ayaa xidiga ciwaanada ugu badan ka abuurayay saxaafada isla markaana uu kabta dhahabka ah uu ku guulaystay, haddana Alexandre Lacazette ayaa 9 gool oo uu dhaliyay waxay guul u horseedeen Arsenal.

Mohamed Salah oo lagu tilmaamay in uu ahaa layaab hal xili ciyaareed ayay Alexandre Lacazette iskaga mid yihiin in uu 9 gool dhaliyay si uu Liverpool guul ugu horseedo, mana jiro hal ciyaartoy oo kale oo aan ka ahayn Salah iyo Lacazette oo xogta loo diwaan galiyay.

Mohamed Salah ayaa xili ciyaareedkiisii labaad ee Anfield waxa uu Premier league ka dhaliyay 22 gool isaga oo difaacday kabta dahabka ah ee gool dhalinta premier league.

Sergio Aguero iyo Jamie Vardy ayaa noqday labada xidig ee Mohamed Salah iyo Alexandre Lacazette ku soo xiga waxayna min 7 gool oo ay dhaliyeen sabab ugu noqdeen in ay guulo ugu horseedeen Man City iyo Leicester City.

Halkan Kaga Bogo Afarta Ciyaartoy Ee Goolasha Ugu Badan Kooxahooda Guulo Ugu Horseeday Xili ciyaareedkan:

1- Mohamed Salah – Liverpool- 9 gool oo guulo keenay

2-Alexandre Lacazette- Arsenal-9 gool oo guulo keenay

2- Sergio Aguero- Man City – 7 gool oo guulo keenay

3- Jamie Vardy – Leicester – 7 gool oo guulo keenay

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR