Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay iney macquul tahay iibinta Mesut Ozil & Alexis Sanchez marka la gaaro bisha January hadii aysan saxiixin heshiis cusub, xilli Naadiga Gunners ay ka biyo diidsan tahay iney si bilaash ah ku bixiso labada xidig ee heshiiskooda uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan.

Macalin Arsene Wenger wuxuu doorbidayaa inuu kooxdiisa kusii heysto Mesut Ozil inkastoo xidiga dalka Jarmal uusan diyaar u aheyn inuu baaqi kusii ahaado garoonka Emirates Stadium.

Shalayto ayey aheyd markii ugu laacibka Mesut Ozil ka dhawaajiyay in wadahadalada heshiis kordhinta ee kooxda Gunners ay meel fiican marayaan, isla markaana ay macquul tahay inuu xidigaan sii joogo magalada London.
Balse tababaraha reer France ee maamula Gunners Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday in hadii lagu fashilmo in heshiiskiisaas uu dhaco ay albaabada u furi doonaan xidigii hore kooxda Real Madrid bisha January si la mid ah xidigii hore Barcelona Alexis Sanchez.

Waxaan ku talinay xal walba, hadii ay macquul noqoto waan iibineynaa January” ayuu yiri macalin Arsene Wenger oo wax laga weydiiyay arinta laacibiinta Ozil & Alexis.

Waqti kama dambeys ah uma sameynin marka loo baahan yahay iney saxiixaan wali.

Sidoo kale Arsen Wenger ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko hadalka wakiilka Mesut Ozil uu ku yiri inuu joogayo England.

Haa, waa qiimeyn daacad ah, waxaan mar walba dhihi jiray xaqiiqdii wax heshiis ah lama gaarin sanadkii hore balse lama macno aha iney bixi doonaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR