Hooyada dhashay Cristiano Ronaldo ee Dolares Aveiro iyo gabadha ah saaxiibaddiisa ayaa calaamad su’aal ay saarantahay xiriirkooda.

Inkastoo weeraryahanka kooxda Juventus uu isku dayo inuu baraha bulshada ku muujiyo inay yihiin qoys dhammeystiran oo is jecel haddane, waxaa la arkaa dhacdooyin shaki gelinaya xiriirka Dolare iyo Georgina Rodriguez.

Hooyada kabtanka Portugal ayaa sameysay tallaabo aanan u wanaagsanayn gabadha uu wiilkeeda saaxiibka la yahay, ka dib markii ay ‘Like’ saartay halad(comment) Instagram-ka oo lagu weerarayo Georgina.

“Dolares, usoo noqo dhinaca Ronaldo, ha u oggolaan in saca Spain uu maamulo xukuumadda wiilkaada” iyadoo saca reer Spain loola jeedo Georgina, waana oraahda ay muujisay inay ka heshay oo ku dul gujisay ‘like’-ta.

Waxaa durba markaas jawaabo kulul ka bixiyay dadka saaxiibka(Followers) u ah Georgina Instagram-ka iyagoo eedeyn dusha kaga tuuray Dolares, dhahayana: “Georgina waxay u qalanta xushmad badan”.

Xilli dambe ayay Dolares ka laabatay iyadoo markan gujisay ‘Unlike’ taasoo ka dhigan inay ka baxday raacsanaantii oraahda qallafsan ee lagu weeraray saaxiibadda Ronaldo.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR