Advertisements

Sida lagu sheegay wargeyska kasoo baxa magaalada Madrid ee AS, Paris Saint-Germain ayaa awoodeeda dhaqaale u muujinaysa kooxo ay ugu horreyso Real Madrid isla markaana heshiis cusub mushahar waali ah ku siinaysa da’yarkeeda Kylian Mbappe.

Advertisements

Mbappe ayaa suuqyadii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay Real iyadoo uu tababaraha kooxdaas ee Zinadine Zidane si cadaan ah u sheegay inuu xiisaynayo da’yarka ay isku dalka yihiin.

Sidoo kale sida ay xaqiijiyeen shaqsiyaad badan oo ka ag dhaw 21 sano jirkan, Waxa uu ku riyoodaa u ciyaarista Real mustaqbalka dhaw balse waxkasta ma fududaan doonaan sababtoo ah maamulka adag ee kooxdiisa PSG.

AS ayaa lagu sheegay in Paris ay doonayso inaysan wax mashquul ah arrimaha Mbappe ka galin xagaagan isla markaana ay doonayaan inay heshiis cusub ka saxeexdaan kahor tartanka Euro ee qaramada ee badhtamaha sanadkan.

Wargeyska ayaa intaas ku daraya in madaxweynaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi iyo madaxda kale ee kooxdiisu inay qabaan inay tahay in Mbappe uu sanadkii mushahar ahaan u qaato lacag 50 Milyan oo euro ah.

Mushaharkaas ayaa ka dhigi doona mid kamida xiddigaha dunida ugu mushaharka badan balse waa lacag aad uga weyn kaliya 21 sano jir iyadoo ay xusid mudan tahay inuu hada 15 Milyan oo euro ka qaato kooxdiisa.

Qorshaha PSG ayaa ah inay kooxdeeda kusii hayso Mbappe ilaa kaddib sanadka 2022 iyagoo aaminsan inuu soo ciyaaro koobka aduunka ee sanadkaas markalena uu kusoo guuleystaa ay kordhin doonto qiimihiisa suuqa ee hada.

Dhinaca kale Real Madrid ayaa ku fikiraysa qorshaha Paris kasoo horjeedkiisa, Wakhtiga u qorsheysan kooxda caasimada Spain ayaa ah ugu dambayn sanadka 2021 markaas oo uu hal sano ka hadhsan yahay qandaraaskiisa kooxda.

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR