Fursada uu Neymar Jr ugu soo laaban karo horyaalka La liga ayaa si waali ah sare ugu kacday kadib markii uu madax waynaha kooxda PSG hanjabaad u diray xidiga kooxdiisa gaar ahaan dhaqan xumada uu Neymar caadaystay.

Wargayska L’Equipe ee dalka France ka soo baxa ayaa shaaciyay in maamulka PSG ay hadda u furan yihiin in ay Neymar Jr iska iibiyaan haddii ay helaan dalab ku hobaan laakiin wakiilkii Neymar ka saaray Camp Nou ee Pini Zahavi ayaa haddaba bilaabay qaabkii uu xidiga reer Brazil ugu soo celin lahaa Spain.

Pini Zahavi ayaa ah shaqsi ay aad iskugu dhaw yihiin qoyska Neymar Jr tan iyo markii uu joogay kooxda Santos, wuxuuna hore Barcelona uga caawiyay in ay sanadkii 2013 kii la soo saxiixatay Neymar.

Laakiin Pini Zahavi oo door wayn ku lahaa heshiiskii rekoodhka aduunka ahaa ee uu Neymar laba sanadood ka hor ugu wareegay kooxda PSG ayaa hadda bilaabay in uu la xaajoodo kooxaha reer Spain ee xiisaynaya soo laabashada Neymar.

Wargayska L’Equipe ayaa warka gaadhsiiyay in meesha ugu haboon Neymar Jr tahay kooxdiisii hore ee Barcelona sababtoo ah xidhiidhka wayn ee uu la leeyahay Lionel Messi iyo Luis Suarez.

Madax waynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa si wayn u doonayay in uu Neymar Jr qayb kaga soo dhigo isbadalka uu Zidane ka doonayo Bernabeu laakiin wararka ayaa sheegayay in Neymar uu doonayo kaliya in uu Barca ku soo laabto.

Kooxda PSG ayaa Neymar Jr kula soo wareegay 222 milyan yuro laakiin daraasadii ugu danbaysay ee lagu sameeyay xarunta CIES Football Observatory waxaa lagu shaaciyay in qiimaha suuqa ee waqti xaadirkan uu Neymar jr joogaa ay tahay €124.7 milyan yuro.

Dhaawacyo, dhaqan xumooyin banaanka garoonka ah iyo masuuliyadii laga filayay in uu PSG u qaato ayaa dhulka la gashay sumcadii Neymar Jr taas oo saamayn ku yeelatay qiimihii uu suuqa kala iibsiga ka joogay.

Laakiin lacagtan ayaan ahayn mid ay PSG ku qanci karto marka loo tixgaliyo lacagtii waalida ahayd ee ay ka bixiyeen xidiga reer Brazil balse iyada oo PSG hadda khaatin ka taagan tahay dhaqan xumada Neymar isla markaana uu xidiag reer Brazil bishii May uu maamulkiisa u sheegay in aanu Paris ku soo laabanayn ayay hadda u muuqataa in uu bixi karo.

Pini Zahavi ayaa la sheegay in uu todobaadyadii ugu danbeeyay ka shaqaynayay sidii uu Neymar Jr ugu soo celin lahaa Spain waxaana hadda ugu cad cad kooxda Barcelona iyada oo PSG xiisaynayso Coutinho iyo Dembele.

Waxaa suurtogal noqon karta in PSG ay Barcelona ka dalban karto in Coutinho ama Dembele uu qayb ka noqdo wada xaajoodyada uu Neymar Jr ugu soo laaban karo Camp Nou.

Dhawr todobaad waxay u muuqata wax riyo ah in Neymar jr uu xagaagan ku soo laaban karo Spain, laakiin hadda suurtogalnimada ayaa si wayn aan la rumaysan karin sare ugu kacday.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR