Xiddiga kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho oo uu cadaadis ba’ani saarnaa mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda isaga oo hammi weyn galiyay kooxahii doonayay haba ugu horreyso Manchester United e.

Coutinho ayaa 2-0 ka dhigay kulankii xalay ee Lyon kaddib markii uu goolka furitaanka dhaliyay Lionel Messi waxaana uu goolkan oo ahaa mid uu aad ugu baahi qabay si uu culayska iskaga dejiso usoo dhiibay Luis Suarez.

Coutinho ayaa ku dhibtooday qaab ciyaareed xumo iyo joogtay la’aan mudada uu joogay Barcelona oo uu ugu qiimaysan yahay 142 Milyan waxaana ay taasi dhalisay in lala xidhiidhiyo bixitaan gaar ahaan horyaalkii uu kusoo caan baxay ee Premier League.

Wargeysyada ree England ayaa intooda ugu badani qoraya in Manchester United ay tahay kooxda inta ugu badan doonaysa iyaga oo qaarkood xusaya inuu xataa xiddigu lasoo xidhiidhay xiddigaha Man United si uu u waraysto.

Haddaba, Philippe oo ka hadlaya bandhigiisii xalay iyo mustaqbalkiisa Camp Nou ayaa sheegay in uusan qofna garan karin waxa mustaqbalka dhacaya taas oo la micno ah inuusan balanqaadi karin inuu sii joogayo Barca.

Coutinho ayaa hadalkiisa ku furtay “Toddobaadyadii yaraa ee ugu dambeeyay, Xataa bilihii ugu dambeeyay si fiican umaan ciyaarayn laakiin wali waxaan doonayaa inaan horumaro”

“Waxaan Barcelona u imid inaan siiyo waxayga ugu fiican, Waxaan ku noolahay wakhti hada taagan, Waligaa ma ogaan kartid waxa uu mustaqbalku kuu hayo, Waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkayga maanta”

Si kastaba ha ahaatee, Coutinho ayaa xilli ciyaareedkan sagaal gool usoo dhaliyay Blaugrana tartamada oo dhan isaga oo afar kamid ah goolashaas ka dhaliyay horyaalka La Liga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR