Saxiixa cusub ee kooxda kubada cagta Barcelona, ee Yerry Mina, ayaa wuxuu ka gudbey Tijaabadda caafimaadka saaka oo Jimco ah, waxaana wiilkaan reer Colombia, uu yahay mid si rasmi ah loosoo bandhigi doono Sabtida.

Daafacaan ayaa wuxuu booqdey kadib markii u marey Tijaabada caafimaad xarunta tababarka ee Barcelona, isagoona halkaas waqti badan ku qaatey, wuxuuna kulmey qaar kamid ah shaqaalaha Barcelona.

Mina ayaa wuxuu qalinka ku jiidi doonaa Shan sano iyo Bar oo Qandaraas ah kaasoo uu kusii joogayo camaaliqada La Liga, waxaana lagu soo iibsaey aduun lacageed dhan 12 Malyuun oo Yuuroo [Lacagta dalalka Yurub].

Laacibkaan ayaa marka uu Sabtida saxiixo Shan sano iyo oo heshiis ah, ayaa waxaa uu saxaafada uu kula hadli doonaa Meesha lagu magacaabo Sala Auditori 1899, oo inta badan lagu soo bandhigo xidigaha cusub ee Barca.

Laacibkaan oo 23-sano jir ah, ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu yahay mid wax badan ka qaban doonaa baahida daafac ee hada haysata Barcelona, isagoona ah mid Joog dheer islamarkaana Xeelad iyo Farsamo badan leh.

Imaanshihiisa Barcelona, ee Mina, ayaa waxaa lagu macneeyay inay tahay in Barcelona, ay albaada ufuri doonto inuu Baxo Javiaro Mascherano, kaasoo hada si weyn loo hadalhayo inuu ka dhaqaaqo Hogamiyaasha La Liga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR