Faah-faahino kala duwan ayaa laga helayaa dab xalay ka kacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaaladda Mudqisho.

Dabkaan ayaa ka kacay markii hore qeybta Dharka Huudheyda lagu iibiyo wuxuuna ku faafay qeybaha kale ee suuqa Bakaaraha.

Si sax ah looma oga sawabahii dhaliyay debka.

Sawirro lasoo qaaday ayaa muujinaya in dabka uu geystay khasaare Hantiyadeed,islamarkaana uu dhulka ku daray goobo Ganacsi oo ku yaalay Gudaha Suuqa Bakaaraha.

Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan Gudaha Suuqa Bakaaraha ayagoo mararka qaar rasaas ridaaya.

Saxmada suuqa ayaa xalay aheyd mid Aad ukacsaneyd maadaama dadkii hantida kulahaa iyo ganacsatada badankoods ay kusugnaayeen gudaha suuqa.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR