Ugu yaraan laba qof ayaa la rumaysan yahay inay ku dhinteen duqeyn maanta ay diyaaradi la beegsatay gaari nooca raaxada ah oo marayey degaaanka Kalgeed-dheer ee duleedka tuuladda Xiriiro ee degmada Iskushuban, gobolka Bari ee Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen Diyaarad joog hoose ku socota oo Duqeyn iyo rasaas la dhaceysa Gaari nuuca raaxada ah.

Ilaa hadda si dhab ah looma oga Diyaaradaha Duqeynta geystay halka laga leeyahay iyo dadka saaran gaariga la beegsaday.

Dhulka lagu beegsaday gaarigan ayaa waqtiyo kala duwan horey waxaa ugu dagaalamay Mintidiinta Al Shabaab iyo kooxda yar ee Daacish.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli Diyaarada ay ku dul wareeganeyso aagga goobta ay Duqeynta la eegatay.

Masuuliyiinta Maamulka Puntland weli kama aanay hadlin Duqeyntan lala beegsaday gaariga raaxada ah, balse waxaa socda baaritaano ku aadan weerarkan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR