Maalin wanaagsan, dhamaan saaxiibada ku taxan Shabakada wararka cayaaraha ee Laacib.so, waxaa kusoo dhawaataan wararkii ugu dambeeyay ee laga qorey maanta oo Jimco ah, mustaqbalka xidiga Arsenal ee Sanchez.

Sanchez oo udhashey wadanka Chile, oo uu ka dhacay qandaraaskiisa Gunners-ka dhamaadka xagaagan ayaa waxaa la sheegayaa inuu qorsheenayo inuu ka tago Arsenal, isagoona si weyn loola xiriirinayo Man City iyo Man United.

Wargeyska The Sun, ee kasoo baxa wadanka UK ayaa wuxuu sheegayaa in ciyaaryahankaan uu maalmaha soo aadan uwareegi doono Man City, islamarkaana uu dhacey heshiiskii uu halkaas ku aadi lahaa.

Sidoo kale, Wargeyska Express Sport, ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa qorey in Sanchez, uu ku biiri karo Man United islamarkaana maamulaha United ee Jose Mourinho uu xiiso waali ah uqabo wiilkaan.

Waxaa la rumeysan yahay in Sanchez, uu aadi karo United, maadaama halkaas uu ka heli karo boos joogta ah, xili Red Devils ay tahay mid baahi badan uqabta helitaanka gooldhaliye wanaagsan, maadaama hada uu dhaawac yahay Zlatan.

Laakiin, maamulaha Arsenal, ee Wenger, mar wax laga weydiiyay sheekada ku aadan mustaqbalka Sanchez, wuxuu cadeeyay in wiilkiisa uusan meelna aadi doonin xili ciyaareedkan, islamarkaana uu baaqi kusii ahaan doo Gunners.

Sikastaba, waxaa marag doonta ah in Sanchez, uusan ku farax-saneen waqti xaadirkaan kooxda Arsenal, islamarkaana ay ubadan tahay inuu qorsheenayo inuu macsalaameeyo bishaan Janaayo, naadiga Woqoyga London, ka dhisan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR