Lix qof ayaa ku dhimatay ku dhawaad 10 kalena way ku dhaawacmeen kadib iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Iska hor-imaadkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayay muran la xiriira lahaanshaha dhul ku yaalla dhanka waqooyi ee Magaalada Galkacyo.

Duqa Degmada Gaalkacyo dhanka Puntland Yaasin C/samad Cumar ayaa ku baaqay in dagaalka halkaas lagu joojiyo, islamarkaana aanan loo baahneyn dagaal kale oo dhaca.

“Maanta Gaalkacyo waxaa ka dhacay dagaal markii dambe isku bedelay mid beeleed, dagaalka wuxuu quseeyaa Dhul, dhibaatada arrimahan la xiriira way soo laab laabteen, waxaan rajeyneynaa inaanu wax badan ka qabano”. ayuu yiri Duqa Gaalkacyo dhanka Puntland oo la hadlay VOA-da.

Waxaa socda dadaalo badan oo ku aadan sidii nabad loo kala dhex dhigi lahaa dhinacyadan dirirtu ay dhexmartay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR