Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax Khasaare
gaystay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya xilli ay
ka soo laabteen duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho.

Askartaan oo ka tirsan Ciidamada Booliska dowladda ayaa
wararka waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ku qabsaday nawaaxiga deegaanka Siinka
dheer gaar ahaan wado jaay ah oo ka soo baxda dhanka Degmada Kaxda.

Inta la xaqiijiyay Afar Askari oo Ciidamada Booliska ayaa
dhintay, waxaa kale oo dhaawacmay Saddex kale sida ay sheegayaan warar aan ka
helnay Saraakiisha Booliska.

Qaraxaasi ayaa waxaa lala eegtay Saraakiil uu ka mid yahay
Farxaan Qaroole oo ah Taliyaha Ciidamada Haramcad & Maxamed Qadar oo ah
Taliyaha Saldhiga Degmada Xamar weyne.

Qaraxa wuxuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ee
gaadiidka ku soo booda, waxaana jugteeda xalay laga maqlay Degmooyin ka tirsan
Gobolka Banaadir.

Ciidankaan qaraxa miinada lagu dilay ayaa xalay ka soo
laabtay Ciidan cusub oo la dajinaayay deegaanka Kaxda, halkaasi oo laga soo
bedelay Ciidan horay u joogay.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR