Laba ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii maanta Qarax Miino uu ka dhacay Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug.

Qaraxan ayaa haleelay gaari nuuca xamuulka ah oo marayay Deegaan lagu magacaabo Taloole oo qiyaastii 6-KM dhanka Bari kaga beegan degmada Galdogob, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Dhaawacyada laba ruux ayaa la geeyay isbitaalka Degmada Goldogob, si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.

Sawirro laga soo qaaday gaariga qaraxa uu haleelay ayaa muujinayay burbur xoogan oo soo gaaray gaariga.

Masuuliyiinta Degmada Goldogob ayaa waxa ay inoo sheegeen inay wadaan baaritaanka la xiriira qaraxan, islamarkaana dib ka faah faahin doonaan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR