Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo galabta ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Dabka iyo Saldhigga Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa ka dhashay gaari HARRIER walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay afaafka hore ee Hotelka Xaaji Raage oo ku yaalla Dhismo dhaw Saldhigga Degmada Waaberi.

Qaraxa kadib waxaa cirka isku shareeray uuro iyo qaac madow oo ka dhashay Qaraxan, iyada oo intaasi kadib uu halkaasi ka kacay Dab qabsaday gaadiid wadada marayay.

Khasaaraha qaraxan ka dhashay ayaa lagu sheegay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 ruux oo dhammaantood ahaa rayid wadada marayay iyo kuwa goobo ganacsi halkaasi ku lahaa.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay burburka goobaha ganacsi ee halkaasi ka dhaw iyo gubashada gaadiid wadada marayay.

Saraakiisha Booliska Somaliya ayaa warbaahinta ka hor istaagay inay muuqaalo ka soo duubaan goobta, iyaga oo sidoo kale ka gaabsaday inay faah faahiyaan Qaraxan.

Qaraxan ayaa ahaa midkii labaad oo isla maanta ka dhaca wadada Maka Al Mukarama, bacdamaa saakay aagga Xaaji Baasto uu ku qarxay gaari nuuca raaxada ah oo uu lahaa Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug, kadib markii gaarigiisa loogu xiray qarax.

Ciidamada Booliska ayaa hawlgalada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho waxay u muuqdaan kuwa “Hal Bacaad lagu lisay ah”, maadaama ay dhacayaan qaraxyo iyo dilal roos ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR