Dabley hubaysan ayaa xalay deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen saddex ruux.

Wararka ayaa sheegaya dadka la dilay inay wada saarnaayeen hal gaari oo nooca raaxadda ah, kadibna dableyda ay rasaas ku fureen.

Kooxda dilka gaysatay ayaa waxa ay wateen gaari nooca raaxadda ah waxaana ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen saddexda ruux.

Illaa hadda ma cadda sababta loo dilay dadkaasi wada socday ee gaariga saarnaa.

Dadka deegaanka ayaa sheegay dadka la dilay inay ahaayeen kuwa degan xaafadda Jabadgeel oo ku taallo Ceelasha Biyaha, aysana garan karin sababta loo beegsaday.

Maamulka deegaanka Ceelasha biyaha ayaanan wali ka hadlin dadkaan xalay lagu laayay deegaankaasi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR