Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Isniin ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Wararka suuqa The sun

Kooxda Juventus ayaa isku daygii ugu danbeeyay ku doonaysa in ay kula soo saxiixato kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt iyada Old Lady doonaysa in ay kooxaha yurub ka hor qaado. Xidhiidhka Juventus iyo wakiilka De Ligt ee Mino Raiola ayaa ah mid fiican.

Arsenal ayaa goolhaye David Ospina ku luminaya £3.5 milyan gini kaliya kadib markii ay kooxda Napoli go’aan ku gaadhay in ay heshiiskiisa amaahda ahaa mid rasmi ah u badasho.

Arsenal ayaa lumisay heshiiskii ay qarka u saarnayd ee ay kula soo wareegaysay xidiga reer Belgium ee  Yannick Carrasco wuxuuna hadda xidigani u wareegi karaa koox kale.

Manchester United ayaa rajaynaysa in ay kooxda Leicester City u dirto dalab lacag kaash ah iyo ciyaartoy iskugu jira oo ay ku dalbanayso difaaca dhexe ee Harry Maguire.

Wararka suuqa Daily Mail

Arsenal ayaa heshiis shan sanadood ah la gaadhay difaaca kooxda Saint-Etienne ee  William Saliba waxayna Gunners saxiixa xidigan kaga hor martay kooxaha Man United iyo Man City.

Dhinaca kale Arseanl ayaa wada xaajood la furtay bartilmaameedkii Manchester United ee Thomas Meunier laakiin kooxda Paris Saint-Germain ayaa dalbanaysa lacag  £27 milyan gini ah iyo waliba lacago ku xidhnaan kara waxa uu Gunners la gaadhi karo haddii heshiiskiisa la dhamaystiro.

Manchestrer United ayaa wali doonaysa saxiixa da’yarka kooxda AS Monaco ee Youri Tielemans  balse wali kooxda Leicester City oo uu amaah ku joogo ayaa u ah doorashada kowaad.

Wararka suuqa Daily Express

Manchester United ayaa tartan cusub kala kulmaysa xidiga khadka dhexe ee kooxda Sporting Lisbon ee Bruno Fernandes iyada oo kooxda Atletico Madrid doonayso in Reds Devils ka dul qaado xidigan.

Crystal Palace ayaa badalka bartilmaameedka Manchester United ee Aaron Wan-Bissaka waxay u calaamadsatay  xidiga aadka loo qiimeeyo ee kooxda Atalanta ee Timothy Castagne.

Xidiga Barcelona ku soo dhibtoonayay ee Philippe Coutinho ayaa u furan in uu Premier league ku soo laabto isaga oo diyaar u ah in uu xagaagan ku biiri karo kooxda Chelsea taas oo guuldaro u keeni karta Manchester United iyo PSG.

Wararka suuqa daily Mirror

ayaa Gary Cahill ayaa Inter Milan kula midoobi kara tababarihiisii hore ee Antonio Conte iyada oo xidiga reer England uu si xor ah kaga bixi doono Stamford Bridge marka la soo gaadho June 30.

goolhaye Simon Mignolet ayaa xagaagan iskaga bixi doona Anfield  waxayna  Reds badalkiisa ka dhigan kartaa goolhayaha kooxda Southampton ee Alex McCarthy.

Riix 2 si aad wararka kale ee wargaysyada yurub u sii akhrisato

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR