warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga
warrarkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga

Asalaamu calaykum, idilkiinba salaan akhristayasha sharafta lahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii wararka suuqa kala iibsiga iyo waxyaabihii ay wargaysyada Yurub ka qoreen maanta oo Talaado ah.

Kooxaha Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira in ay suuqa kala iibsiga ka raadsadaan ciyaartoyda ay u arkaan in ay kooxahooda xooin u noqon karaan inta aan la gaadhin xili ciyaareedka cusub.

Shabakada Gool24 oo aad uga barateen in ay marakasta si joogto ah idiinla socodsiiso wararka suuqa ayaa halkan idiinku soo ururisay wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha la kala doonayo.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warkan maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.


Wararka Suuq The Sun

Arsenal ayaa laga soo diiday dalabkii £43 milyan gini ku qiimaysnaa ee ay ku doonaysay labada xidig ee kooxda Sampdoria ee Joachim Andersen iyo Dennis Praet waxayna kooxda Serie A dalbanaysaa £6 milyan gini oo dheeraad ah.

Real Madrid ayaa amaah ku bixin karta da’yarka Vinicius Jr iyada oo Zinedine Zidane iyo boodka kooxdiisa Madrid ay isku khilaafsan yihiin qorshaha xili ciyareedka cusub ee Vinicius Jr kooxda ku yeelan doono.

Xidiga Arsenal xiisaynaysay ee Jordan Veretout ayaa Gunners iska diidi doona si uu ugu biiro kooxda Serie A ee Napoli.

Maurizio Sarri ayaa qorshaynaya in xidiga uu Chelsea kula soo shaqeeyay xili ciyaareedkan ee Gonzalo Higuain iyo Emerson uu u kaxaysan doono Juventus iyada oo Higuain uu haddaba dhamaysanayo amaahdii uu Blues ku joogay.

Arsenal ayaa xidiga kooxda AC  Milan ee Franck Kessie kula wareegi karta 30 milyan gini  laakiin waxay Gunners tartan kala kulmaysaa kooxaha reer London ee Tottenham iyo West Ham United.

Manchester City ayaa da’yarka kooxda Benfica ee Joao Felix  u soo bandhigtay mushaar £100,000 kun oo gini oo todobaadkii ku qaadan doono Etihad Stadium muddo shan sanadood ah waxayna City doonaysaa in ay Man United iyo kooxaha kale ka hor qaado 19 sano jirkan.

Kooxda Leeds ayaa doonaysa in ay £35  milyan ku kharash garayso labada xidig ee kooxda Liverpool amaahda kaga maqnaa Ryan Kent iyo Harry Wilson oo aan ilaa hadda mustaqbalkooda Anfield la xalin.

Wararka Suuqa Daily Star

Xidiga Arsenal ee Granit Xhaka ayaa hoos u dhigay wararkii la xidhiidhinayay kooxda Inter Milan wuxuuna cadeeyay in uu ku faraxsan yahay in uu sii joogo kooxdiisa Gunners.

Manchester United ayaa rajaynaysa in ay bixiso lacagta ay dariskeeda Manchester City ku doonayso xidiga kooxda Atletico Madrid ee Rodri oo dalab £62 milyan gini ku kacaya.

Tottenham ayaa iska diiday fursada ay xagaagan kula soo saxiixan kartay gool dhaliyaha kooxda AS Roma ee Edin Dzeko.

Xidiga kooxda Ajax ee Donny van de Beek ayaa doonaya in uu xagaagan ku soo biiro horyaalka Premier league iyada oo lala xidhiidhinayo Manchester United iyo Tottenham.

Wararka Suuqa Daily mirror

Matthijs de Ligt ayaa iska diidi kara ku biirista kooxaha Manchester United iyo Barcelona kadib markii ay kooxda Paris Saint-Germain tartankii xidigan loogu jiray ay kaga hor martay kooxaha la tartamayay.

Arsenal ayaa la kulmi karta dib u dhac suuqa kala iibsiga ah iyada oo kooxda Everton u lumin karta saxiixa difaaca dhexe ee kooxda Getafe ee Djene Dakonam.

Liverpool ayaa hadda hogaanka ku qabtay tartanka loogu jiro gool dhaliyaha kooxda Lille iyo xulka Ivory Coast ee Nicolas Pepe.

Gool dhaliyaha kooxda Sevilla ee Wissam Ben Yedder oo xili ciyaareed cajiib ah soo qaatay ayaa sheegay in uu joogo waqtigii uu Sevilla ka bixi lahaa waxaana la sheegay in Barcelona ay xidiga reer France aad u doonayso halka Atletico Madrid ay badal uga dhigaan Antoine Griezmann.

Shaqaalaha tababarka kooxda Liverpool ayaa amakaag ka qaaday da’yarka kooxda Benfica B ee David Tavares markii ay Reds kulanka saaxiibtinimo kula ciyaareen Marbella ee ka hor finalkii Champions League.

Wararka Suuqa Daily Express

Manchester United ayay wararku sheegayaan in ay ku dhawdahay dhamaystirka xidiga kooxda Sporting Lisbon ee  Bruno Fernandes oo ay £60m ku doonayso, waxaana sidoo kale lala xidhiidhinayaa Liverpool iyo Tottenham.

Chelsea dalab £62 milyan gini ah ka gudbisay gool dhaliyaha kooxda Valencia iyo xulka Portugal ee Goncalo Guedes laakiin rajada ay Blues kula soo saxiixan karto Guedes ayaa ku xidhan haddii Blues loo ogolaan doono in ay xagaagan saxiixyo samayn karto..

Liverpool ayaan kooxda Werder Bremen kala soo saxiixan doonin Max Krusesababtoo ah waxa uu  Jurgen Klopp la dhacsan yahay qaab ciyaareedkii uu Divock Origi soo bandhigay iyo waliba da’yarka Rhian Brewster.

Liverpool ayaa kooxda Rangers heshiis kula gaadhay in da’yarka Sheyi Ojo uu amaah kula joogo xili ciyaareedka soo socda laakiin Reds ayaan wali go’aan ka gaadhin xaalada mustaqbalka Ryan Kent.

Riix 2 si aad u akhrisato wararka kale ee ay Wargaysyada Yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR