Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Isniin ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

Dabcan suuqa kala iibsiga ee Premier League ayaa si rasmi ah u xidhmay 8-dii August balse waxa wali furan suuqa horyaalada kale ee Yurub oo 2-da bisha September xidhmi doona.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay iska diiday bixinta lacagta ay Neymar JR dib ugula soo wareegayso xilli ay raadinayso xeelado kale oo ay dib ugula soo saxeexan karto. (Marca)

Kooxda ree Talyaani ee Napoli ayaa gabi ahaanba iska soo af-jartay xiisihii ay u qabtay khadka dhexe ee kooxda Real Madrid James Rodriguez. (Gazzetta dello Sport)

Kooxda ree France ee AS Monaco ayaa doonaysa inay weeraryahanka Sevilla ee Wissam Ben Yedder kusoo celiso horyaalka Ligue 1 waxaana ay u diyaarinayaan dalab. (Estadio Deportivo)

AC Milan ayaa tix gelinaysa u dhaqaaqista saxeexa goolhayaha dookha labaad ee kooxda Real Madrid ee Keylor Navas si ay bedel ugaga dhigto da’yarkeeda Donnarumma oo uusan mustaqbalkiisu caddayn. (Calciomercato)

Kooxda caasimada Talyaaniga ee Roma ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa daafaca kooxda Juventus ee Daniele Rugani oo hore looga hor istaagay inuu u wareego Arsenal. (Corriere dello Sport)

Tababaraha kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa lagu soo warramayaa inuu albaabada u furay khadka dhexe ee kooxdiisa ee Arturo Vidal oo uusan kahor istaagi doonin inuu u dhaqaaqo Inter Milan. (Calciomercato)

Napoli ayaa soo gashay tartanka lagula wareegayo weeraryahankii hore ee kooxaha Juventus iyo Tottenham ee Fernando Llorente. (Gazzetta dello Sport)

Bayern Munich oo seegtay saxeexa Leroy Sane oo dhaawac xumi gaadhay ayaa haatan ku dhaw inay qaab amaah ah kula wareegto garabka Inter Milan ee Ivan Perisic. (Sky Italia)

Weeraryahanka aan looga baahnayn kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa heshiis afka ah oo uu sanadkii 8 Milyan ku qaadanayo la gaadhay kooxda Napoli. (Corriere dello Sport)

Daafaca aan ku jirin qorshayaasha tababare Pep Guardiola iyo Manchester City ee Eliaquim Mangala ayaa heli doona fursad uu dib iskugu soo celiyo isaga oo markale matali doona kooxdiisii hore ee Valencia.

Kooxda Fiorentina ayaa si layaab leh ula wareegi karta garabka AC Milan ee Suso oo ay haatanba wadaan wada hadalo ay kula wareegayaan iyagoo ka bixinaya wax ka yar 40-ka Milyan ee heshiiskiisa lagu bur-burin karo. (Gazzetta dello Sport)

Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa rajo cusub ku abuuray AC Milan xilli ay kooxdaasi la saxeexan karto Angelo Correa oo ka baxsan baahida Rojiblancos. (Calciomercato)

Atletico oo suuqa xagaagan wacdarro weyn ka dhigtay ayaa la filayaa inay markale u dhaqaaqo xiddiga ree France ee Florian Thauvin oo ka tirsan kooxda Marseille.  (Canal+)

Fiorentina ayaa badbaadin karta waayaha ciyaareed ee Mario Balotelli oo haatan koox la’aan ah iyadoo qaab xor ah kula saxeexan karta. (Corriere dello Sport)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR