Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad joogtaan, sida aan inooga barateen waxaan maanta oo Isniin ah idiin soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyay ee ay qoreen wargeysyada iyo warbaahinta qaarada Yurub ee ku saabsan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

FIIRO GAAR AH: Wararka Suuqa kala iibsiga  waxaa xaqiiqonimadooda iska leh hadba wargayska ku hor qoran ee xogta suuqa helay, sidaa daraadeed, shabakada Gool24 kama masuul aha xaqiiqinimada warararka suuqa kala iibsiga maadaama oo aanu soo turjunay oo kaliya.

WARARKA SUUQA KALA IIBSIGA

Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay gabi ahaanba iskaga hadhay oo ay meesha ka saartay xiisihii ay u qabtay saxeexa Neymar JR gudaha suuqa xagaagan. (Goal.com)

Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay heshiis mushahar ahaan sanadkii 6.2 Milyan ah la gaadhay weeraryahanka Juventus ee Mario Mandzukick kaas oo ama 15 Milyan ay ka bixin doonto ama qayb ka noqon doona heshiiska Romelu Lukaku ee Juventus (Mail)

Real Madrid ayaa go’aansatay inay lasoo saxeexato 22 jirka khadka dhexe ee kooxda Ajax ee Donny Van de Beek halkii ay kusii jiri lahayd loolanka aan suurogalka ahayn ee Paul Pogba oo Man United ka qayb ah (Marca)

Bayern Munich ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa garabka Manchester City ee Leroy Sane balse heshiiska ayaan la dhammaystiri doonin kahor Khamiista. (Sky Sports Germany)

Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay inay suurogal tahay inay sameeyaan saxeex kale oo dheeri ah kaddib markii ay dhammaystireen saxeexa daafaca bidix ee Junior Firpo oo dhinaca Real Betis kaga yimid. (Sport)

Man United ayaa Salaasada soo socota si rasmi ah u dhammaystiri doonta saxeexa da’yarka kooxda Monaco ee Hannibal Mejbri oo 16 sano jir ah. (Le Parisien)

Marseille ayaa si layaab leh ugu soo biirtay liiska kooxaha doonaya khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee James Rodriguez oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Atletico Madrid iyo Napoli.  (Corriere Dello Sport)

Leicester ayaa doonaysa midkooda daafacyada kooxaha Burnley iyo Bournemouth ee James Tarkowski iyo Nathan Ake si ay bedel ugaga dhigto daafaca Man United ku biiraya ee Harry Maguire (Sky Sports)

Manchester City ayaa aad ugu dhaw dhammaystirka saxeexa 25 jirka daafaca midig ee kooxda Juventus ee Joao Cancelo kaas oo heshiis 32 Milyan + Danilo oo Juve u wareegaya ah ku imanaya Etihad Stadium (Mail)

Ivan Rakitic oo Barcelona ka tirsan iyo khadka dhexe ee Roma ee Kevin Strootman ayaa ah labada xiddig khad dhexe ee bartilmaameedka u ah kooxda Inter Milan.  (Gazzetta Dello Sport)

Halyeeyga Man United ee Wayne Rooney ayaa doonaya inuu kusoo laabto kooxdaasi si uu xil tababarenimo ama maamul uga qabto marka uu kubadda cagta ka hawl-gabo. (Sun)

Tottenham ayaa khadka dhexe ee kooxda Real Betis ee Giovani Lo Celso oo ay aad u doonayso u bandhigtay heshiis shan sano ah oo uu sanadkii ku qaadanayo mushahar afar Milyan ah.  (Gazzetta Dello Sport)

Inter Milan ayaa weeraryahanka kooxdeeda ee Mauro Icardi u sheegtay inuusan ciyaari doonin haddiiba uu go’aansado inuu labada sano ee qandaraaskiisa ka hadhay kooxda sii joogo. (Gazzetta Dello Sport)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR