Philippe Coutinho, saxiixa cusub ee Barcelona ayaa wuxuu mar sii horeysay uu helay guri uu kaga noolaado dalka Spain, waxaana uu usoo helay saaxibkiisa Luis Suarez, sida ay ogaatey Majalada Sport.

Guriga uu Philippe Coutinho,  ku noolaan doonaa oo ku yaala Meesha la dhoho Castelldefels, oo ku dhawaad 30 KM u jirta Magaalada Barcelona ayaa waxaa ka akdhow Guryaha Luis Suarez iyo Lionel Messi.

Goobtaan uu hada kadib ka degi doono Coutinho, Barcelona, ayaa waxaa horey ugu noolaa laacibkii hore ee Bluagrana hadana Chelsea, udheela ee Cesc Fabregas, waxayna tahay meel dhismo ahaan aad uqurux badan.

Deegaanka Bellamar, ayaa dhawaan noqon doonta meesha ay kuwada raaxeysan doonaa Coutinho, xaaskiisa iyo Gabadhooda lagu magacaabo Maria, waxaana safarkooda halkaas ku wehlin doono xubno qoyskooda ka tirsan.

Sidoo kale, Daafaca Barcelona, ee Thomas Vermaelen iyo xidiga khadka dhexe ka dheela ee Andre Gomes, ayaa sidoo kale, meeshaan waqtiyo badan ku qaatey kadib markii uu macsalaameeyay Barca, wiilkeeda Fabregas

Guriga uu degi doono Coutinho ayaa waxaa uu ku fadhiyaa 750 Mitir Iskuur-weer ah, waxaana uu ka kooban yahay: Qol jirdhiska loogu talagalay, Xeeb lagu dhawaasho iyo Darjiino aad uqurux badan.

Mar sii horeysay Coutinho ayaa wuxuu usheegay Majalada Daily Mail, in goobtaan ku noolaanshaheeda uu udooqey saaxibkiisa Suarez, waxaana halkaan hoose ku xusan qaar kamid ah sawiradda guriga Coutinho.

Esta es la casa dónde vivirá Philippe Coutinho Esta es la casa dónde vivirá Philippe Coutinho

Esta es la casa dónde vivirá Philippe Coutinho Esta es la casa dónde vivirá Philippe Coutinho

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR