Horyaalka dalka Ingiriiska ee Premier League, ayaa daaha laga rogay maalinkii shalay aheyd, iyadooona kulankii ugu horeeyay ay wadda dheeleen Kooxaha Arsenal iyo Leister City, waxaana 3-2, kusoo badisay Gunners.

Maanta ayaa waxaa mar kale, la dheelay dhowr kulamo, waxaana muuqata in badi kulmaadda maanta ay ahaayeen kuwa aad uxiiso badan, iyadoona naadiyada waa weyn faraqa looga dhagnaa, oo ma aysan gool ku dhalineen si fudud.

Haddaba, waxaan soo gudbin doonaa shekooyinkii ka dhacay kulmadii maanta la dheelay, saameynta ay yeelan karaan, falanqeyn ku aadan qaabka ay ku bilawdeen kooxaha iyo sheekooyin kale, oo xiiso badan.

Ugu horeyntii, Liverpool, ayaa waxay la ciyaartay Watford, iyadoona ciyaarta ay kusoo dhamaatay 3-3, waxaana sheekadda ugu weyn ee laga bartay ciyaartaan ay aheyd in Daafac la’aan ay hayso Reds-ka.

Sidoo Kale, Chelsea ayaa waxay la ciyaartay Burnley, iyadoona Blues lagu dubtay garoonkeeda ku yaala Galbeedka Magaalada, waxaana cashirka laga bartay ciyaartaan ay tahay in Conte uu ku qaldadaana inuu xiddigo kooxda ka diro.

Intii ay socotay ciyaartaan ayaa waxaa Blues laga siiyay Kaarka Gaduudan xiddigaha kala ah Febregas iyo Carry Cahill, waxaana Kaarka ay qaateen uu ka dhigan tahay inay aheyd markii ugu horeysay tan iyo March 2014-kii.

Ciyaarta Blues, ayaa waxay kusoo dhamaatay 3-2, iyadoona kooxdaan looga naxsaday qeybtii hore ee ciyaarta goolasha, waxaana Laba gool usoo celiyay Morata oo bedal kusoo galay iyo David Luiz.

Sidoo Kale, in Chelsea laga badiyo inuu difaacaneysa Horyaalkan ayaa waxay tahay markeedii ugu horeysay tan iyo sanadkii 1968-dii, waxaana Chelsea xaalkeeda uu haatan umuuqdaa mid allow sahal ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR