Guuldaradii weyneyd ee Real Madrid ku soo gaartay xalay magaalada Paris ee Champions League ayaa saaka qabsatay bogaga hore ee wargeysyada ka soo baxa magaalada Barcelona.

Qaabkii Real Madrid loo garaacay iyo goolashii uu dhaliyay Angel di Maria ayaa keentay in wargeysyada Catalan ka soo baxa ay iska ilaawaan barbarihii Barcelona oo ay diiraa saaraan jabka Los Blancos.

PSG waxaa ka maqnaa seddexdooda xiddig ee Mbappe, Neymar iyo Cavani kulankii xalay laakiin sidaasi oo ay tahay waxa ay si raaxo leh 3-0 ugu badiyeen garoonkooda Parc de Princes iyadoo xiddiga reer Argentina Angel di Maria uu labo gool dhaliyay.

Qaab ciyaareedkii liitay ee Barcelona soo bandhigtay kulankii ay Dortmund barbaraha la galeen Talaadadii ayaa noqday mid la iska ilaaway iyadoo wargeyska Sport uu cinwaan weyn ka dhigtay “Cagtaa La Mariyay” waxaana ay ereyadaas ku dulqoreen sawirka Di Maria oo dabaaldegaya iyagoo soo saaray bogga hore.

Waxay sharaxaad ka bixiyeen sida daafaca kooxda Zidane uu u jilicsan yahay iyo sida weerarka Real Madrid uu u yahay mid bilaa rajo ah,. waxa ay hoosta ka xariiqeen in Los Blancos aysan helin xitaa hal darbo oo goolka ku bartilmaameedsan.

Wargeyska kale ee ka soo baxa Barcelona ee Mundo Deportivo ayaa cinwaan ka dhigtay “Madrid KO” oo loo soo gaabiyay Madrid oo la garaacay, waxaana ay ka hadleen “Jabkii” Paris.

Wargeyska kaliya ee ka soo baxa Catalan ee aan diirada saarin ciyaartii xalay waa L’Esportiu de Catalunya kuwaasoo weli ka hadlaya ciyaartii Barcelona iyagoo kooxda Valverde ku tilmaamay kuwa jilicsan.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR