Muddo 14 cisho ah kadib, waxaa xorriyadiisa dib u  helay, Wariye Madax bannaan oo lagu magacaabo Axmed Cali Kilwe, kaasoo dhawaan lagu qabtay Kantaroolka Koonfureed ee magaalada Garowe.

Wariyahan oo markii dambe loo dhaadhiciyay Xabsiga Weyn ee lagu hayo dadka gala dambiyada culus iyo kuwa eedaysan falalka Burcad badeeda, ayaa shalay lasoo daayay iyadoo aysan jirin sifo sharciga waafaqsan oo loo maray go’aankaas sida uu sheegay Kilwe oo xorriyadiisa kadib la hadlay warbaahinta.

Wariyaha ayaa saxaafadda usheegay sababtii sharci darada aheyd ee loo xiray iyo cidii ka dambeysay xarigiisa.

“Ciidamo uu watay Muxiyadiin Gacamey ayaa i qabtay anigoo aan is lahayn adiga ayay kuu socdaan, waliba iyagoo aan waxba i weydiin ayay xoog igu qabteen anoo isku dayayay inaan dejiyo, kadib waxaa la ii gudbiyay Kantrolka Koonfureed oo la igu xiray, inta waliba la iga bixiyay dharka iyo kabaha oo la damcay in la iga wada siibo,” Sidaas waxaa shirkiisa Jara’id ku sheegay Kilwe oo maanta la sii daayay.

Mar uu ka hadlayay isaga iyo Madaxweynaha wixii dhexmaray, Kilwe ayaa yiri, “Majirto wax na dhexmaray, laakiin dhaliilo ayaa jira, balse waxaana rabaa inaan kala saaro Baraha Bulshada iyo Warbaahinta caadiga ah ee aan katisanahay, Social media malaha faaf reeb, wax kasta ayaa lagu qori karaa, magacayga ayaa lagu shaqaysan karaa, waxay lahayd in la hubiyo.”

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR