Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta tababar uga furtay Muqdisho shaqaale ka kala socda Wasaaradaha Boostada iyo Isgaarsiinta dowlad-goboleedyada dalka ka jira.

Tababarkan oo lagu baranayo
farsamada iyo maamulka astaanta Qaran ee Internetka dalka ee dotSO oo ay kasoo
qeyb-galeen shaqaale ka kala socda dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed ee
Puntland, Jubaland, Koofur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa waxa ay muddo
seddex (3) maalmood ah shaqaalahani ku baran doonaan casharro la xirriira
maamulka farsamo ee astaanta Internetka dalka.

Sidoo kale Tababarkan ayaa qayb
ka ah qorshaha baahinta isticmaalka astaanta qaranka ee gudaha dalka gaar ahaan
in ay Wasaaradaha heer Dowlad-Goboleed ka caawiyaan howlaha la xiriira maamulka
farsamo ee Astaanta dotSO.

Wasiirka Boostada iyo
Isgaarsiinta DF, Cabdi Canshuur oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ujeedadda,
himilada iyo hiigsiga shirkan uu yahay in la helo isgaarsiin leh hal-beeg
caalami ah oo lagu baahiyo dalka oo dhan marnaba dhamaystirmi karin haddii aan
la helinin shaqaale tayo leh oo ka rumeeya xaqiijinta yoolkaas sidaa darteedna
ay wasaaraddu diyaarisey qorshe lagu daraaseyno baahiyaha tababar ee mudnaanta
leh ee xoogga iyo xirfadleyda farsamo ee dalka.

’’Waxa aan idin kula dardaarmayaa
dhammaantiin in aad si fiican u dhuuxdaan, casharada tababarkan seddexdan
maalmood, aadna dib ugu celisaan aqoonta aad halkan ka heshaan uguna
faa’iideysaan wasaaradihii aad ka timaadaan,’’ ayuu yiri wasiirka oo la
dardaarmayey shaqaalaha tababarka u furmay maanta.

Ugu dambeyn, Tan iyo markii ay la soo wareegtay Wasaaradda Boostada, isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda gacan ku haynta astaanta internetka dalka ee .SO ayaa waxaa lagu soo kordhiyey horumarro farsamo iyo maamul kuwaas oo suurto-geliyay in si fudud loogu istimcaalo astaanta gudaha dalka.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR