Muqdisho (PP) ─ Warar goor-dhow is-casilay Wasiirka Gaashaandhigga DF C/rashiid C/llaahi Maxamed iyo Taliyihii Millateriga Somalia, Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid, Waxaana taliyaha lagu bedelay taliye kale oo cusub oo lagu magacaabo, Jen. C/weli Jaamac Xuseen Gorod.

Ilo-wareedyo ku dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa sheegaya in is-casilaadda Wasiirkii Gaashaandhigga Somalia ay tahay mid shaqsiyadeed, inkastoo aan laga bixin wax faahfaahin ah.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa la sheegay in wasiirka iyo taliyaha uu ka aqbalay is-casilaaddooda, inkastoo aanay jirin cid lagu bedelay xilka wasiirka is-casilay, inkastoo la buuxiyay jagadii uu banneeyay taliyihii ciidamada xoogg dalka.

Dhanka kale, Taliyaha cusub ee loo magacaabay xilka Ciidanka xoogga dalka ayaa wuxuu horay u ahaa duuliye, sidoo kale wuxuu Wasiirka Dekedaha ka noqday Dowladdii uu Hoggaaminayay C/qaasim Salaad Xasan.

Ugu dambeyn, is-casilaadda Taliyaha Ciidamada Xoogga Jen. Cirfiid ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhawaanahan la hadal hayay is-casilaaddiisa, laakiin is-casilaadda wasiirka gaashaandhigga ayaan noqotay mid fajaciso ah.

Wixii Faahfaahin ah ee kasoo kodha arrintaan waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR