(Yurub) 02 Dis 2019. Magaalada Paris ee caasimadda Waddanka Faransiiska ayaa caawa marti galin doonta xafladda lagu bixinayo abaal-marinta laacibka ugu fiican kubbada cagta adduunka ee Ballon d’Or.

Haddaba waxaan halkan kuugu heynaa macluumaad kasta oo aad uga baahan tahay abaal-marintan Ballon d’Or:-

Waa maxay Ballon d’Or?

Waa abaal-marin sanadle ah oo ay bixiso Jariiradda France Football oo ay u gacan galiso laacibka ugu fiican kubadda cagta adduunka, waxaana codeeya suxufiyiin ka kala socota daafaha caalamka oo cod taageere waxba kama tari doono.

Ha isku qaldin Abaal-marinnada Ballon d’Or iyo ‘The Best’:

Ballon d’Or iyo The Best oo ay bixiso FIFA ayaa mideysnaa oo awood badnaa sanadihii u dhaxeeyay 2010 ilaa 2015, balse kala goostay sanadkii 2016-kii.

FIFA ayaa gooni isku taagtay oo si gaar ah u bixisa laacibka sanadka oo ay u baxsatay ‘The Best’ waxaana ku guuleystay sanadan Lionel Messi.

France Football ayaa iyana sii wadan doonta howsheeda oo bixin doonta Ballon d’Or oo ay teedii ugu horreysay bixisay sanadkii 1956-kii.

Markii hore abaal-marinta Ballon d’Or waxaa la guddoonsiin jiray uun ciyaartoyda Yurub oo kuwa aan u dhalan shaqo kuma lahayn 1995-kii, balse mid caalami ah ayaa laga dhigay sanadkii 2007.

Sidee loo go’aansanayaa cidda la siinayo Ballon d’Or?

Waxaa la tirin doonaa codadka ay dhiibtaan 173 suxufiyiin ah oo ka kala socda daafaha caalamka, laacibka codadka ugu badan ka hela ayaana la guddoon siin doonaa abaal-marinta.

Codka Taageerayaasha halkan kama shaqeyn doono.

Waa kuwee 30-ka xiddig ee la soo xulay & Kooxaha ay ka socdaan?

30-ka ciyaaryahan ee midkood caawa la guddoonsiin doono abaal-marintan ayaa waxaa xiddigaha ugu badan ku leh kooxda Liverpool oo ku yeelatay todobo ciyaaryahan, Man City ayaa lix ku leh, halka Barcelona ay afar xiddig u matalayaan.

Liverpool: Virgil Van Dijk, Roberto Firmino, Alisson Becker, Georginio Wijnaldum, Trent  Alexander-Arnold, Sadio Mané iyo Mohamed Salah

Manchester City:  Kevin De Bruyne, Riyad Mahrez, Bernardo Silva, Sergo Aguero iyo Raheem Sterling

Barcelona: Messi, Antoine Griezmann, Andre ter Stegen iyo Frankie De Jong

Real Madrid: Karin Benzema iyo Eden Hazard

Tottenham: Son Heung-min iyo Hugo Lloris

Ajax: Donny van de Beek iyo Dusan Tadic

Juventus: Cristiano Ronaldo iyo Matthijs De Ligt

PSG: Kylian Mbappe iyo Marquinhos

Atletico Madrid: Joao Felix

Napoli: Kalidou Koulibaly

Bayern Munich: Robert Lewandowski

Arsenal: Pierre-Emerick Aubameyang

Yaa ugu cad cad inuu ku guuleysto Ballon d’Or?

Lionel Messi ayaa la saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono abaal-marintan caawa markiisii 6-aad, iyadoo markii ugu dambeysay oo uu ku guuleystay abaal-marintan ay ahayd sanadkii 2015-kii.

Warbixin si qarsoodi ah loo helay shalay ayaana muujinaysa in Lionel Messi uu halka ugu sarreyso kaga jiro liiska, isla markaana uu ku guuleysan doono caawa abaal-marinta, halka Virgil van Dijk uu soo geli doono kaalinta labaad sida la sheegayo.

Goorma ayaa caawa la bixinayaa Ballon d’Or?

Tani waxa ay noqon doontaa caawa markii 64-aad oo abaal-marintan la bixin doono, waxaana markii ugu horreysay la guddoonsiiyey Sir Stanley Matthews sanadkii 1956-kii.

Waxaa la bixin doonaa abaal-marintan marka ay caawa saacadda Geeska Afrika tilmaameyso 9:30 daqiiqo waxaana marti galin doonta Magaalada Paris, iyadoo lagu qaban doono halka la yiraahdo Theatre du Chatelet.

Sanadkan waxaa la bixin doonaa abaal-marin cusub oo la yiraahdo The Yachine Trophy, taasoo lagu abaal-marin doono goolhayihii ugu fiicnaa sanadka.

Yaa xafladda Ballon d’Or marti galinaya sanadkan?

Sida caadiga ah waxaa xafladda lagu sharfaa shaqsi caan ah, waxaana sanadkan ka soo wada muuqan doona Sandy Heribert iyo Didier Drogba.

W/D: Haaruun Yuusuf Khasaaro

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR