Halyeeyga kubada cagta dalka Argentina ee Diego Maradona ayaa ka hadlay saddexleydii uu Cristiano Ronaldo kaga dhaliyay kooxda Atletico Madrid lugta 2-aad wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaciyay wareysi uu dhawaan bixiyay Diego Maradona, kaasoo uu kaga hadlay mucjisadii uu Ronaldo ku hor sameeyay Atletico Madrid.

“Waxaa jira ciyaartoy ku ciyaarta kubadda cagta qaab mucjiso ah, anaga ahaan reer Argantina, waan ku faraxsanahay in Messi uu yahay laacib reer Argantina ah isla markaana uusan ahayn Spain”.

“Laakiin Cristiano Ronaldo  wuxuu leeyahay shaqsiyad aad u xoogan, sidoo kale haatan waa mucjiso, sababtoo ah wuxuu sheegay in 3 gool uu ka dhalin doono kooxda Atletico Madrid, wuuna sameeyay”.

Diego Maradona ayaa sababta uu ugu tilmaamay Cristiano Ronaldo inuu heysto shaqsiyad aad u xoogan, la sheegay inay tahay sida weyn uu xidiga reer Portugal ugu dagaalamo inuu dhaliyo goolal isla markaana uu ugu guuleysto koobab.

Advertisement

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR