(Barcelona) 09 Okt 2019. Kabtanka kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Argantina ee Lionel Messi ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay dhowr arrimood muhiim ah uu qeyb ka yahay Cristiano Ronaldo.

Lionel Messi ayaa ka aragti dhiibtay ka tigistii Cristiano Ronaldo ee kooxda Juventus, kaddib markii uu ku biiray naadiga Juventus suuqii xagaaga ee 2018.

Messi ayaa wareysi uu siiyay “Catalunya Ràdio” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

Image result for messi and ronaldo

“Waxaan rajeenayay in Cristiano Ronaldo uu sii joogi doono kooxda Real Madrid iyo horyaalka La Liga, sababtoo ah joogitaankiisa waxay bixineysaa qaab ciyaareed ku saleysan tartan, gaar ahaan kulanka El Clásico”.

Intaas kaddib Lionel Messi ayaa la weydiiyay su’aal ah Real Madrid miyey saameyn ku yeelatay bixitaankii Cristiano Ronaldo? Wuxuuna ku jawaabay:

“Horaan u sheegay sanadkii hore, waxaan qabaa inay dareemeen saameynta bixitaankiisa”.

“Waxaan weli aaminsanahay in Real Madrid ay heysato ciyaartoy wax walba ku soo bandhigi kara kooxda, sidoo kale xilli ciyaareedkan waxaay ku guuleysteen inay keensadaan ciyaartoy aad u wanaagsan”.

Gool FM.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@HILLAAC.NET AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR